Xafiiska Siihayaha Xilka Madaxweynaha
Xafiiska Siihayaha Xilka Madaxweynaha
Ref.PL/XSXMW/066/2001 Date:- 09/09/2001
Ku:- Jaaliyadaha Puntland ee Dibedda Fadhiyadooda
Ku:- Shirkadaha Ganacsiga Puntland Fadhiyadooda
Ku:- Hantiilyaasha Puntland Fadhiyadooda
Ku:- Shaqaalaha Wadaniga ah ee Hay'adaha Caalamiga ah Fadhiyadooda
Og:- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Fadhigiisa
Og:- Shirgudoonka Shirweynaha 2-aad ee Puntland Garoowe
Ujeeddo:-Ka Qayb gelidda Qaraanka Shirweynaha 2-aad ee D.G.P/L
Waxaa la magacaabay guddi Dhaqaale oo ka kooban:-
Faarax Xaaji C/laahi Guddoomiye
Yuusuf Jaamac Degal Gudoomiye-ku-xige
Faarax Maxamed Cilmi Xubin
Cabdi Faarax Maxamed Xubin
Faysal Axmed Maxamed Xubin
Cismaan Shanle Xubin
Guddigaas waxay u xilsaaran yihiin in ay xiriir la sameeyaan Jaaliyadaha Dibedda ee Puntland, shirkadaha Ganaacsiga, Hantiilayaasha Gaaraka ah iyo shaqaalaha wadanniga ah ee Hay'adaha Caalamiga ah iyo waliba meeshii kale ee lagama maarmaan ah ee gacan ka geysan karta hirgelinta shirweynaha dhan dhaqaale iyo dhan taageeraba.
Inta ay ku socoto iyo inta ay ogeysiinta ku tahayba, waxaa lala socodsiinayaa in uu shirweynaha 2-aad u baahanyahay in dhinacyada oo dhan iska kaashadaan, si uu u miro dhalo, isla markaana guddigaan waxaa looga baahan yahay qaab xisaabeed iyo warbixin tifaftiran.
Wabilaahi Al-Tawfiiq
Yuusuf Xaaji Nuur
Sii-hayaha Xilka Madaxweynaha Puntland
Xafiiska Guddiga Ururinta Dhaqaalaha
Date:-25/09/2001
KU:-JAALIYADAHA REER PUNTLAND EE DIBEDDA MEEL
KASTA OO AY JOOGAANBA
UJEEDDO:-URURINTA DHAQAALAHA SHIRWEYANAHA 2-AAD EE
PUNTLAND
Walaalayaal sida aad ogtihiin waxaa ka socda magaala Madaxda Puntland ee Garowe shirweynihii 2-aad ee Dastuuriga ahaa ee Putnland.
Shirka wakhtigiisii waa dheeraaday si wax kasta loo turxaan bixiyo, dhaqaalaha shirka u baahan yahayna lama wada hayo oo dhib ayaana ka jirta.
Sidaas darteed waxaanu dhamaan Jaaliyadaha dibada ee reer Puntland ka codsanaynaa in ay taageero dhaqaale u fidiyaan shirkaas si loo sii wado oo loogu dhiso umadda reer Puntland maamul wanaagsan oo uu saldhig u yahay texgalinta Sharciga.
Fariin:- Waxaan fariin u diraynaa qof kasta oo reer Puntland, oo ah lab ama dhadig oo ku nool dalka Dibadiisa in ay u fidiyaan taageero, oo ay u huraan Maalkooda iyo maskaxdooda shirwaynaha 2-aad ee D.G.P/land oo ka socda Magaala Madaxda Puntland ee Garoowe.
Wada Shaynqayn Wacan.
Guddiga Ururinta Dhaqaalaha Shirka:-
Faarax X. C/laahi
Yuusuf Jaamac Dagal (Canbe canbe)
Faarax Maxamed Cilmi
Cabdi Faarax Maxamed
Faysal Axmed Maxamed (Faysal Wahaabi)
Cismaan Shanle
ALLAA MAHADLE
Copyright © 2001 By Qandala.
|
||||||||