Codsi ku wajahan Isimada Gobolka
Ku: Ugaas XasanUgaas Yaasiin
Ku: Beeldaaje Xaaji Cabdullahi Maxamed
Ku: Beeldaaje Cali Faarax
Ujeedo: Codsi
Agoosto 15, 2001
Waxaan si sharaf leh uga codsanayaa Isimada kor ku xusan in ay
mawqif cad oo ah mid ay u dhanyihiin ka soo saaraan xasuuqista lagu
hayo Ummadda ku nool Jubbooyinka ee Isir wadaaga yihiin reer
Puntland. Taas oo ah in si cad loo canbaareeyo qawlaysatada Carte
oo mas’uul ka ah gumaadka joogtada ah oo manta ka socda Kismaayo
iyo nawaaxigeeda.
Sidoo kale waxaan ku boorinyaa bulsho waynta reer Puntland iyo inta
Soomaalinimoda jecel in ay si cad u muujiyaan shucuurtooda ku
aadan shacbiga walaalahood ah ee dhibaatada aan kala go’a lahayn
ku sugnaa muddo ka badan toban sano, haatanna ay kooxda Carte
iyadoo magac Soomaaliyeed huwan ay ku bilowday adoonsi aan
meelna loogu soo gaban.
Allow sidii roon na waafaji Aamiin! Aamiin! Aamiin!
Abdirizaak Hussien Egal-Aimo
Ottawa, Canada
Response: abdirizzak@yahoo.com
Copyright © 2001 By Qandala.
|
||