HA'IIGEYN CARTA
Gabaygu waa waano aan ku waaninayo musharaxa madaxtinimada Puntland ”Jaamac Cali Jaamac” waxaana u sheegaya inaan CABDIQASIM ahayn nin soomaalinimo aamisan ee uu yahay nin qabiil aaminsan sida siyaasadiisa kamuuqata. Waxa is weydiin leh musharaxiin badan ayaa isusoo taagey madaxtinimada Puntlan ee maxaa sababay inaan Jaamac keliya waaniyo. Jawaabtu waxay tahay Jaamac wareysi uu siiyey idaacada ”honafrik” ayuu ku qiray inuu taageersan yahay DKG ah ee Cabdiqasim madaxda kayahay. waa kan gabaygii waxa tiriyey Faysal Siciid Muuse . waxaa daabacay Boga Qandala
JAAMACOW COD GABAY WAAYADAAN WAANIGAAN CURINE
CAAWUU CARMIYO IIGA YIMI CALA DUSHOODIIYE
WAANA CAAMA WEEYEE XUMAAN CARALE HAWQAADAN
NIN WALIBA CISKUU LEEYUHUU KU CAWA MAALAAYE
CABDULAAHI CAQABAD INUU YAHAAN CIDINA DIIDEYNE
CAAMA IYO CIROOLABA WAA OGNAHAY CAYNKA UU YAHAYE
CAQLI NIMAN LAHYN BAA KU KACA CAMALKA QAARKIISE
CIS IYO SHARAF HADUU LEEYOHOO CAADIL GAARANAAYO
OO UU CASIIS YAHAY RASAAS CIIRSI MABIDEENE
HAYEESHEE CODKALE BAA JIROO CIDAHA SOO GAAREY
SIYAASADAADU CAYNKAY TAHABA CAABUQ BAA GALAYE
CABDIQAASIM WAXAD KU CALMATAA CULIMA LOO SAARAY
CAYNKII WAREEGABA RATIGU WAA'ULA CIIRAAYE
ADIGANA CODKAAGII TOLKAA KAGA CARAYSIIYE
CIDIYAHA RAGBAA FARAHYOO CIIL XUN KUU QABA
OONTAADA RUUXII CUNAA KUMA CAASIYO'E
GOORTUU CANTUUGABA DUCUU KUGU CISEEYAAYE
MARKUU DHEREG LADAACANA XAMDUU KAAGA CELIYAAYE
HADAAN ARINKU CAYNKAA AHYN LA CARABAABAAYO
SOOMAALIDI CIRKAA GAARTAYOO CALANWALEYNEYSEY
CABDIQAASIM BAA KA DHIGAY CAYNKA AY TAHAYE
CARIGOO DHAN BUU DOONAYAA INUU CANTUUGAAYE
QORI CAARADIISUU RABAA INUU KU CAYSHAAYE
CIIDANKUU DUMAAYAAD OGTAHAY CAWO IYO LEYLE
WAAMONA COLKUU U DIRAY CAALAMKUBA YAABYE
CARUURIHIYO WAA TII LACUNAY ODAY CIROOLAAYE
WAA MAXAY CISIGU NOO HAYAA WAAN CAJABAYAAYE
CADAAN IYO MADOW AADMIGAA DUNIDA CAYSHAAYA
CIDKALEBA WAA OGTAHAY CEEBTA UU FALAYE
MAXAA CADADA INA CALOW KAAGA ROGEY CAADKA
CIIN IYO MAREER HADAY DAAQDOO DUNIDU CEERYAANTO
CALAACALAHA WIILKII DHIGTAA WAA CAWAAN DHABA'E
CARTA MARKAAD TAAGEERTAYBAA CAD ISOO GO'AYE
QABIILCAABUD RUUXII AH BAAN CIDINA DOONAYNE
NIN CAADAWAD KUU QABA ABTOW CAYMA LAGA WAAYE
HA IIGEYN CARTADA JAAMCOW WAA I CUNAAYAANE
Copyright © 2001 By Qandala.
Khadar Jacfar
|
||