Qandala Home                           Qandala PSS
Warsaxaafadeed

                                                          03/17/02

             To: The Secretary General of the United States
             To: The President of the OAU
             To: The President of the League of Arab States
             To: The President of the delegation of the European Commission
             To: The President of the Organnization of Islamic Conference
             To: The United States Mission to the United Nations
             To: Permenent Mission of France to the United Nation
             To: The President of the Federal Republic of Ethiopia
             To: The President of the Republic of kenya
             To: The President of IGAD
         Ujeedo: Warsaxaafadeed

     Anagoo ka doolayna baahida raagtay ee Soomaalida sidii xal waara loogu heli lahaa. U aragnana inay muqadas tahay xuquul insaanka muwaadiniinta Soomaalida in la dhawro. Aragnana lagama maarmaanimada ku dhaqanka iyo dhowrista xeerarka caalamka. Kana wal walsan inay Soomaaliya noqto meel ay isku urursadaan Argagixisada Caalamka. Qabnana inay suurta gal tahay dawlad la'aanta ka jirta Soomaaliya inay u hurseedi karto. Ayaan adduunka iyo dawladaha dariska ah ee ku bahoobay IGAD ugu baaqaynaa in si wada jir ah la isaga xilsaaro, meelna looga soo wada jeesto arinta Soomaaliya ee sal dhigi wayday.

     Waxaan kaloon ka digaynaa khatarta faragalinta xag jireenka ah ee sii murginaysa arimaha soomaaliya ay ka wadaan dawladaha; Liibiya, Eretria, Yaman, Djabouti iyo Masar. Dawladahan waxay caadaysteen inay af hayeen u noqdaan kooxda Carta ee ku maman sheegasho madaxtinimo iyo maamul sheegashadiisa sii murjiyay arimaha Soomaalia, qalalaasana ka riday meelihii daganaa. Dawladahan baan u aanaynaynaa inay kula taliyaan Kooxda Carta inayn ka tanaasulin sheegashada maamul aan jirin, iyo awood aan dhaafsiisnayn labada hoteel oo ay kooxda Carta ka dagantahay Magaalada Mogdishu.
     Waxaan ugu baaqaynaa inta jecel inay Soomaaliya mar si macquul ah, oo loo dhanyahay salka u dhigto inay ku caadaadiyaan dawladaha; Liibiya, Eretria, Yaman, Djabouti iyo Masar inay joojiyaan hubaynta xad dhaafka ah ee ay hubaynayaan Kooxda Carta.

     Waxaan ka codsanaynaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay iyo Caalamkaba in si wax ku ool ah loo hirgaliyo go'aankii 1995tii looga mamnuucayay Soomaaliya in Hub la galiyo. Fiirana loo yeesho dawladahan go'aankaas sida joogta ah u jibaya oo kala ah; Liibiya, Eretria, Yaman, Djabouti iyo Masar.

     Haddii hadafka Dawladdahan; Liibiya, Eretria, Yaman, Djabouti iyo Masar ay tahay inay abaal gashtaan umadda Soomaalida waxaan kula talinaynaa inay kooxda ay barigantaalayaan ee Carta ku dhiirri galiyaan inay hilmaamaan sheegashada ay sheegtaan maamul dawladeed, ayna ku cadaadiyaan inay miiska dib u heshiisiinta ku soo noqdaan iyagoon sheeganayn Dawladnimo.


Mahadsanidin
AbdiBarre
AF-HAYEENKA GOLAHA SRRC W/MARAYKANKA
  jabriil62@hotmail.com
Copyright © 2001 By Qandala.