Qandala Home                           Qandala PSS
Jaamac Cali Jaamac oo Casumaad u fidiyay Itoobiya
December 2, 2001
Warqad SomaliTalk ka soogaartey Boosaaso ayaa tibaaxday in Jaamac Cali Jaamac  uu warqad dheer maanta (dec 2) u diray taliyaha Ciidanka Itoobiya ee Gobolka Gallaadi.

Waqadaas oo dhinacyo badan ka kahdlaysa, waxa uu Jaamac xusay xeerkii loodijiyey Puntland sannadkii 1998 iyo xukunkii C/Laahi Yuusuf. Waxa kale oo uu xusay shirkii garoowe ee socdey mudadii u dhexaysay 26kii August 2001 ilaa 14kii November 2001.

Jaamac waxa uu warqadaas kuxusay sida uu ugu mahadcelinyo Itoobiya oo taageero u fidisay Soomaaliya xiligii ay Soomaalidu u baahnayd, waa sida uu warka u dhigaye.

Ugu dambayn waxa Jaamac kucasumey itoobiya in ay isdhaafsadaan wafti iyo akhbaar si ay u badbaadiyaan xiriirka labada dhinac iyo xadka.

Waxaakale oo SomaliTalk soo gaarey warqad kale oo 30 November 2001 uu Jaamac Cali Jaamac  u diray Randolph Kent oo katirsan UN, oo fadhigiisu yahay Nairobi.

SOURCE: Xafiiska JCJ: Osman Mahamoud omahamoud@yahoo.com ama 2525-251219-Mobile.

Copyright © 2001 By Qandala