Make your own free website on Tripod.com
Qandala Home                           Qandala PSS
Cabdulaahi Yuusuf Axmed; duruufihii iyo sababihii lagu doortay
Maadaama uu dalku ku jiro dagaal sokeeye, reer Puntland waxa ay u arkeen, in uu yahay, taariikhdana ka barteen nin aqoon u leh arimaha difaaca, isla arintaasna in badan u soo halgamay. Waxa ay u arkeen nin aan looga baqayn in uu gato qadiyadda ummadda, oo aan si sahlan iyo si fudud midna looga iibsan karin. Waxay u arkeen nin aan beer laxawsi lagu dayi karin, uuna yahay ninka kaliya ee siyaasiyiinta safka hore uga jira hogaaminta reer Puntland, ee awoodda u leh in uu ku yiraahdo makhluuq kasta oo ilaahay abuuray -marka dhan la iska dhigo mansabkiisa siyaasadeed- MAYA waxaasi dadkayaga iyo degaankaayaga uma qalmaan, haaddii loola yimaado. Duruufihii ay Soomaaliya wakhtigaa maraysay awgood ayay u arkeen in uu Mudane Abdullaahi yahay ninkii ay hogaanka u dhiiban lahaayeen xilkana ku aamini lahaayeen, sidaas darteedna waxa ay u soo sharxeen ergooyinka shirka qaarkood in uu noqdo musharaxa madaxwaynanimda, halka raggii kale ee la tartamayey iyagu isa soo sharxeen. Abdullahi Yusuf Axmed, maaha dhakhtar caafimaad, mana aha macallin dugsi iyo mid jaamacadeed toona. Ninku maaha muhandis dhisme iyo mid aaladaha casriga ah midna, mana aha khabiir ku takhasusay cilmiga beeraha. Sidoo kale Abdullahi maaha dhaqaale yahan soo bartay cilmiga dhaqaalaha, mana aha nin soo bartay culuumta islaamka iyo diinta. Abdullahi Yusuf Axmed, waxa uu soo bartay, inta badan nolashiisna ku soo qaatay Ciidamada iyo howlaha difaaca, dagaalka iyo iska celinta ragga. Marka aad eegto Soomaaliya, waxa lagu jiraa dagaallo sokeeye oo qoloba wakhti u biloowday, hadday ahaan lahayd qolo uu u bilowday 1969 kii ama 1978 kii waxa loo kala garan waayay, qolo uu u biloowday 1988 kii, iyo qolo uu u biloowday 1990 kii. Dagaaladaas sokeeye ee dalka ka dhacay dadka reer Puntland waxa lagu ahaa weerar, waxaana ay mar walba ahaayeen dhibanayaal, sidaa darteedna dadka difaaca ku jira waxa ay ahaayeen dad jihaad ku jira sida xaqiiqdu tahay. Waxa la yiri “Jihaadku waa naf iyo maal” Cabdulaahi yuusuf, wuxuu dagaan ahaan ka soo jeedaa Gobolka xadka difaaca u xiga Reer Puntland, marka la tixgaliyo arimaha aan kor ku soo xusay iyo kuwo kale oo ku salaysan wadciyadooda ayay Mudane Abdullahi Yusuf Axmed u soo sharexeen in uu noqdo Madaxaynahii koowaad ee gayaanka (Dalka). Ballan qaadayadii Abdullahi Yusuf Axmed. Xitaa, haddii wax laga soo qaado wadamada ay xukuumadohoodu dhaqaale ahaan awoodaan in ay isku mar qabtaan in ka badan hal waajib, xukuumad kastaayi waxa ay leedahay arimo ay wax ka qabashadooda ay u aragto waajibaadkeeda koowaad loolankana kusoo gasho. Abdullaahi Yusuf Waxa shirkii dastuuriga ahaa ee Garoowe uu siiyay in uu muddo 20 daqiiqo ah ku soo gudbiyo barnaamijkiisa si hadhoow loogula xisaabtamo hadba wixii uu…. hadda ku hadlo ama uu ballanqaado. Odaygu isagoo og sababihii loo doortay, aqoontiisa iyo khibaraddiisana hadlaya, ma uunan isku howlin in uu ballan qaado waxyaabo uusan muhiim u arag makaas, awood iyo aqoonna midna uu san u leheeyn in uu sameeyo. Markii ugu horeeysay ayuu Abdullaahi jabiyay nidaamkii, ka dib markii uu 40 daqiiqo in ku dhow hadlayey, halkii ay ballantu ahayd in uu hadlo 20 daqiiqo oo kaliya. In ka badan 30 daqiiqo odaygu wuxuu hadalkiisii ku qaatay iyada oo waliba maqsuud ergooyinku ka yihiin sacab badanna uu u dhacayo:

1. In uu raadin doono dawlad qaran oo Soomaali u dhan tahay asaasna u yahay mabda'a Fadaraalka. In uusan marnaba qaadan doonin wixii Qaahira ka dhacay oo kale, ummadda xaqooda iyo sharafkooda isaga oo joogana aan lagu tumandoonin.

2. In aysan muhiim ahayn dawlad gobaladeed iyo maamul la dhisaa haddii uusan lahayn ciidan difaaca, isaga oo tusaale u soo qaatay tii ay dhisteen Digil iyo Mirifle, oo uu markaa dhisi doono ciidan difaac aad u adag, ilaaliyana amaanka gudaha iyo difaaca xuduudaha Puntland, isaga oo aan meesha ka saarin sida ay isugu xiran yihiin difaaca Puntland iyo kan Jubbaland.

3. In uu hoosta ka soo dhisi doono haykalkii dawladeed iyo xafiisyadii lagu shaqeeyn lahaa oo markaasi ay daganaayeen dad kasoo bara kacay koonfurta Soomaaliya dagaalada sokeeye awgood.
Saddexdaas qodob ka dib, Abdullahi waxa uu ka hadlay mudoo ku siman toddoba illaa shan daqiiqo, arimo ay ka mid ahaayeen: xiriirka dibadda, arimaha bulshada, sida caafimaadka waxbarashada, arimaha dhaqaalaha iyo adeegyo kale oo uu markaa uusan u arkeeyn fikirkiisa in ay muhiim yihiin. Markii dhan la iska dhigo in awlawiyaadkii (waxyaabihii uu muhiimka u arkayay) Abdullaahi, ee aan kor ku soo xusay ay sax yihiin ama uu ku khaldanaa, waxa dhacaday oo ay taariikhdu qalinka ku duugtay in ergooyinkii halkaa fadhiyay, oo isugu jiray dhamaan qaybaha kala duwan ee mujtamaca Puntland, hadday ahaan lahayd Isimadiisii, siyaasiyiintiisii, aqoonyahankiisii, ganacsadihiisii, culumaa'u diinkiisii, dhalinyaradiisii, iyo haweenkiisiiba, ay si cad oo aan dhuumasho iyo kala shaki ku jirin ay shaashadaha la iska daawado hortooda si aqlabiyad ah ugu doorteen in Mudane Abdullaahi Yuusuf Axmed uu noqdo Madaxweynaha daadihinaya xukuumaddii koowaad ee Dawlad Gobaleedka Puntland, oo jiritaankeedu loogu tala galay in u noqdo muddo saddex sano ah. Intaa markaan joogno ayaa su'aasha is weeydiinta mudani waxay tahay: Abdullahi Yusuf xukuumaddiisii ma kasoo baxday ballan qaadkeedii mise maya? Maxaa iska badalay xaaladdii dalka ka dib markii uu talada la wareegay, sideebayse u saameeyeen xaaladahaasi ballan qaadyadiisii, kuwii dastuurka iyo shaqadii xukuumaddiisa?
Jawaabaha su'aalahaas iyo siyaadaba kala soco qeybta saddexaad ee Taxanaha Kalabayr.
La soco usbuuca danbe…
Copyright © 2001 By Qandala