Qandala Home                           Qandala PSS
Shacabka reer boosaaso oo diiday in ay bixiyaan Canshuurtii
(BEEN ABUUR WEYN).
Waxaan 100% xunahay oo aan ka raaligalinaynaa shacabka reer Puntland qaas ahaan reer Boosaaso wararka sheegayo in Shacabka reer Boosaaso diideen in ay bixiyaan canshuurtii.wararkaas oo ah warar BEEN ABUUR WEYN,oo ladoonayay in  sumcadii boga in  ladilo ,Waxaynu u sheegeynaa shacabka reer Puntland in aan soo gudbin doono cidii ka dambeysay maqaalkaan.

Kadib waxaa daabacay Boga AllPuntland.com oo kaliya.
Dadka Boosaaso oo Diiday Inay Bixiyaan Canshuurta...

Waxuuna ahaa maqaalka sida Hoos ku qoran...
..

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso waxay shegayaan in dadweynaha magaaladaasi diideen in ay bixiyaan Caanshuurtii caadiga ahayd.

Arintan ayaa ka dambaysay ka dib markii ay sidaas oo kale diideen bixinta canshuurta qaar ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn magaalada Boosaaso.

Sababta diidmadooda Cashuurta ayaa dadku ku sheegayaan inay tahay iyadoo lacagta laga qaadayo lagu soo iibsanayo hub.

Waxaa jiray gudi uu madax u yahay nin ay Jamac Cali Jamac xigto yihiin, gudigaas oo uu dhawaan u magacaabay Jamac inay maamulaan dhaqaalaha Gobolka si uu taagero ugu helo hawlgalada uu kaga soo horjeedo Cabdulaahi Yusuf, iyadoo gudigaasi ay diidmo weyni kaga timid dadka magaalada iyo duqayda beelaha .

Dhinaca kale waxaa dhawaan soo gaaray magaalada Boosaaso laba diyaaradood oo midi siday hub iyo sahay kale oo ciidan iyo mid siday lacago been abuur ah, labada diyaaradoodba waxay u socodeen Jamac Cali Jamac.

Diyaaradahaan oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa ilo xog ogaal ahi sheegayaan inay ka yimaadeen dhanka Muqdisho iyo Jabuuti iyadoo sahayda aysideen ay qayb ka tahay taageero ay DKMG ah ee Carta ugu talo gashay inay ku taageerto Jamac Cali Jamac oo ay jagada madaxnimada Puntland isku haystaan Cabdullaahi Yusuf Axmed.
AllPuntland News

Copyright © 2001 By Qandala