Qandala Home                           Qandala PSS
"Cabdullaahi Yusuf dagaal kuma tagayo Boosaaso" - Xafiiska C/Laahi Yuusuf
Kaddib markii aan laxiriiray xafiiska C/Laahi Yuusuf si aan u helo xaqiiqada war aan helay oo kusaabsan in Ciidamo uu wato C/Laahi Yuusuf ay mareen dhanka Laas-caanood ama Taleex oo ay kusii jeedaan Boosaaso, ayaa waxaa xafiisku soo gaarsiiyey SomaliTalk jawaabtan:
"Cabdullaahi Yusuf dagaal kuma tagayo Boosaaso. Wuxuu haatan ka shaqaynayaa dib u heshiin dadkeenna iyo nabad." Wuxuu kusii daray "Waxaa ila fiican in aanu wada qaadano nabadda iyo wada shaqaynta. Taas baynu waligeen magac iyo maamuus ku lahayn, Soomaalida kalena hormood ugu ahayn." kaas waa jawaabtii SomaliTalk ka heleen xafiiska C/Laahi Yuusuf ee Galkacyo.
Warkani ma timaamin halka uu C/Laahi Yuusuf hadda kusuganyahay.

C/Laahi Yuusuf waxaa lagala xiriiri karaa: 002525 440152 ama Sataliteka: 008821634110032
Copyright © 2001 By Qandala