Qandala Home                           Qandala PSS
Golaha SRRC oo warsaxaafadeed ka soo saaray kulankoodii Itoobiya
Abdulahi M. Hassan (Black)
Muqdisho, Somalia.
abdulahiblack@yahoo.com
November 3, 2001

Waxaa dhowaan dalka Itoobiya gaar ahaan degmada Godey shir ku yeeshay xubno ka tirsan Golaha SRRC waxayna gebagebadii shirkaas ka soo saareen war saxaafadeedkan.
Annagoo tixgelinayna qareenimada iyo sharafta Madaxwene Daniel Arab Moi ugana mahad celinayna dadaalka faraha badan ee uu u galay xal u helidda dib u heshiisiinta Soomaaliya, annagoo tixgelinayna aqbalaynana casuumaadda uu u fidiyey Golaha SRRC iyagoo la dhowrayo mabaad’ii ahayd in aan cidna shuruud la imaaan, si xal loogu helo arrimaha Soomaaliya ee dib u heshiisiinta loogana talo baxo kala jiidashada mar kasta jirta. Sidaas darteed waxaan go’aansanay in aanan la fariisan kooxda Carte inta ay sheeganayso Dowlad isla markaana uu C/qaasim sheeganayo Mdaxweyne.
Goluhu waxa uu soo jeedinayaa in la wajaho wada tashi iyo wada shaqayn oo ay u wada dhan yihiin dhammaan kooxaha Soomaaliyeed, isla markaana ay wada maaraynayaan dowladaha IGAD.
Natiijadii ka soo baxday shirkii Carta ee uu qabanqaabiyey Ismaaciil Cumar Geelle waxay Ummadda Soomaaliyeed u horseeday arrimahan soo socda:-
Sicir barar saameeyey dhammaan danyarta Soomaaliyeed, taas oo gaarsiisey saboolnimo xad dhaaf ah, nabad gelyo xumo aan horey loo arag, dagaallo ka soo cusboonaaday dalka, abuuris ganacsato xag jir ah oo aan u danaynay Ummadda Soomaaliyeed, sidaa darteed golaha wuxuu ugu baaqayaa Ummadda Soomaaliyeed in arrimahaasi uga hortagaan wadatashi, midnimo iyo istixgelin, si xal loogu helo dhibaatada raagtay ee Qaranka Soomaaliyeed golaha wuxuu ugu baaqyaa beesha caalamka inaysan ku hodmin shirqoolka ay wadaan dowladaha Carabta qaarkood, Ismaaciil Cumar Geelle iyo kooxda Carta ee uu danihiisa ku abuurtay.
ugu dambeyntiina Goluhu wuxuu caddeynayaa inaysan cidna u dirsan wada hadallada la sheegay inay ka furmeen magaalada Nairobi 1-bisha November.
waxaana warsaxaafadeedkaas ku saxiixnaa Guddoomiyaha Golaha SRRC ee Xilligaan Xuseen Maxamed Caydiid.
Kulanka Godey oo shir la tashi ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha SRRC, waxaa soo qaban qaabiyey dalka Itoobiya. Xubnihii ka qayb galay shirkaas waxay kala ahaayeen Xuseen Maxamed Caydiid, Muuse Suudi Yalaxoow, Siikh Jaamac Xaaji Xuseen, Hilowle Iimaan Cumar, Ingineer Maxamed Xuseen Caddow, Xasan Maxamed Nuur Shaarguduud, C/laahi Shiikh Ismaaciil, Gen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, Col. C/wali oo ka socday Ururka SPM, Maxamed Cumar Maxamed Dheere, Shiikh Aadan Madoobe iyo Maxamed Sayid.
Shalay ayaa diyaarad ay leedahay dalka Itoobiya ay u kal daadguraysay Hoggaamiyeyaashaasi goobihii ay markii hore ka kala yimaadeen, waxayna diyaaraddaas ku soo hormartay magaalda Baydhabo oo ay ku dejisay Shaarguduud, Shiikh Aadan Madoobe, Col. C/wali.
Kaddibna waxay u soo kicitantay magaalada Muqdisho oo ay ku dejisay Shiikh Jaamac Xaaji Xuseen, Muuse Suudi Yalaxoow, Hilowle Iimaan Cumar, Injineer Caddow, waxayna markiiba diyaaraddaas u dhaqaaqday magaalda Jowhar oo ay ku dejisay Maxamed dheere
Dhinaca kale Warar aanu ka helnay magaalda Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in Xuseen Caydiid iyo General Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo ka mid ahaa hoggamiyeyaashii kulanka Goday ka qayb galay ay ku hareen Magaalda Godey.
Lama garanayo sababaha ay ugu hareen halkaasi, balse warar ragaa ku dhow dhow ayaa waxay sheegayaan in labadaasi xubnood ay halkaasi ugu hareen arrimo la xiriira sidii ay u sii wadi lahaayeen howlaha golaha SRRC isla markaana hadal dheeraad ah ula yeellan lahaayeen dalka Itoobiya.
Warar muqdishu aan ka helay, kaddib markii aan la xirriray taageerayaasha Xuseen Ceydiid waxay ii sheegeen in Xuseen Caydiid uu u sii gudbi doono dal kale oo labaad oo aan ahayn Kenya.
C/laahi Yuusuf oo ah xubanaha ugu firfircoon golaha SRRC ayaa shirkaasi ka baaqday isagoo ku sugan dalka Itoobiya gaar ahaan magaalada Galaadi illaa iyo haddana ma cadda oo lama faahfaahin sababihii uu C/laahi Yuusuf uga baaqday shirkaas.
Intii uu ku sugnaa dalka Itoobiya waxa uu C/laahi Yuusuf kulammo la yeeshay saraakiil sar sare oo ka tirsan dalka Itoobiya oo sida lasheegay ay isla soo qaadeen Xaaladda maamul goboleedka Putland.
Warkan oo aan ka helnay mid kamida hoggaamiyeyaasha muqdishu ku soo laabtay, ayaa wax ka weydiiyay in ay la xiriireen Col. C/llahi Yuusuf iyo in kale, wuuna ka gaabsaday jawaabta arrintaa.
Abdullahi Mohamed Hassan (Black)
Muqdisho,Somalia
abdulahiblack@yahoo.com

Copyright © 2001 By Qandala.