Qandala Home                           Qandala PSS
Xuseen Ceydiid oo sheegay inay Mudaaharaadyadii ka dhacay Muqdisho ay soo abaabuleen rag la shaqeeya Osama bin ladin.
Baydhabo, (Apress)- Talaado, September 25, 2001
Xuseen Ceydiid oo hada ah Madaxa Kooxaha ku bahoobay SRRC oo wareysi siiyey Radio France International (RFI) ayaa u sheegay in TNG ay ka mid tahay kooxaha uu taageero Bin ladin isaga oo tilmaamey Golaha Baarlamaanka & Dowlada Lagu dhisay Carta ay u badan yihiin Al-islaax & Itixaad isla markaana yihiin qolooyinka ka dambeeya Mudaaharaadyadii ka dhacay magaalada Muqdisho ee looga soo horjeeday Dagaal lagu qaado Afkhaanistaan. Waxaa uu sheegay dhibaatooyinka ka socda geeska afrika inay ka dambeeyaan waxa uu ugu yeeray wadaado gerdheerayaal ah isla markaana ay qas ka wadaan adduunka oo dhan.
Dowladda KMG ah ayaa iyadu si aad ah u diiday inay wax lug ah ku leedhay amaba ku soo dhaweyneyso Soomaaliya Osama bin ladin.
Kal hore ayey Dawladda Itoobiya ku eedeysey inay Jiraan qolooyin Soomaaliya gudaheeda jooga oo la shaqeeya kooxda Osama bin laadin ee lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen qaraxii Ka dhacay NewYork & Washington,
Eedeeynta Itoobiya ayaa Dad badan oo ka faaleeya arrimaha Geeska Afrika ku tilmaameen Dhaqaalo raadis ay ku dooneyso inay uga hesho Mareykanka.

Copyright © 2001 By Qandala.