Qandala Home                           Qandala PSS
Afhayeenka SRRC ee Waqooyiga Mareykanka: Warbixin iyo ugu Yeris Maxkamad in la soo taago C/Qasim
Waxaa shiray July 2001 dabayaaqadeedii beelaha kala ah; Ceyr, Duduble, Murursade, iyo Mareexaan. Waxeyna ku heshiiyeen iney wada dhistaan urur cusub oo lagu daro isbaheysigii Ceyr iyo Mareexaan ee Kismaanyo Heystay. Ururkan, waxay ugu magacdareen, "Isbaheysiga Dooxada Juba".

Shirkii lagu meel mariyay Isbaheysigan cusub wuxuu ka dhacay Guriga Qab qablaha cusub, ee ugu khatarta badan, uguna awoodda badan, uguna indha cad, uguna qabyaaladda xun, uguna damiirka xun; C/Qasim Salaad Xasan.

Isbaheysigan loogu magac daray "Dooxada Juba" waxuu mideeyay, Hurmoodyada Kooxda Carta iyo Isbaheysigii Heystay Kismanyo. Isla shirkaas waxaa la isla meel dhigay dhaqaalihii, maareyntii, farsamadii iyo logistakadii koox kasta ay ku biirin laheyd olohan cusub oo uu isbaheysigan bilaabay.

Isbaheysiga Dooxada Juba oo ay wadaagaan; Ceyr, Duduble,Murursade, iyo Mareexan waxaa laga hawl galiyay aagagga Balli Doogle, Shabeelle iyo Jubooyinka. Waxayna u kala hawl galeen sidatan:

A) Ceyr, waxay keeneen 115 Techniko, oo 70 ka mid ah u xareysanaa Ciidamada Dawladda ku meel Gaarka ah wax ay ku magacaabeen, oo ay Dawladda Sucoodiga ku yaboohday. Tecknikadan waxaa mas'uul ka ahaa Ina Deylaaf, C/Qasim Ina Adeerkii. Malayshiyada wehelisay Tiknikadan waxaa kala hogaaminayay; Gen. Galaal, Col. Seeraar, Xasan Qalaad, Goobaale iyo Cirfo. Gen. Galaal waxaa loo xilsaaray aagga Balli Doogle. Afarta kale waxay ka qeyb qaateen oloolihii gumaadka shacabka aan waxba galabsan ee Jubooyinka.

B) Murursade, oo uu wakiil ka yahay Mohamed Qanyare waxay keeneen 27 Teckniko
C) Duduble waxey keeneen 18 Tekniko, oo ay soo abaabuleen Ganacsadayaasha kala ah; Ibrahim Afgooye iyo Oorfane.

D) Mareexaan waxay soo luflufteen, 9 Tekniko. Hogaankooda Ciidanna waxaa isu abaabulayay Gen. Ahmed Warsame, Gen. Abdicasis Ali Barre iyo Col. Barre Hiiraale.

Raad raaca taariikhda iyo hey'adaha xuquuqul insaanka waxaan u xuseynaa, markii la weydiiyay Dhorwaaga qori ismariska ah, C/Qasim Salad Xasan ee Magaca diinta ku xalaaleystay boobka, dilka, kufsashada iyo u sad burinta qoyskiisa Ceyrka ah, inuu arintan si bareer ah oo goob joogayaal badan loo hayo ku jawaabay; " Inuu ka hortagayo Gen. Morgan iyo Ciidamada SRRC si ayn u xalaaleysan deegaan ayn laheyn, haddii kumanaan shicib ah ay ku baa'bayaanna, iney yihiin shicib marka horaba  ku joogay dooxada Juba si khalad ah"

Waxaan mar kale  muujineynaa walaaca aan ka qabno, ninkan waalaan oo huwan magac diineed, adeegsanayana lacagaha batroolka Carabta gumaadka uu ka bilaabay Jubooyinka, Shabeelooyinka iyo Agga BalliDoogle.

Waxaan maxkamadda adduunka ee xuququl insaanka ugu baaqeynaa, in loo fiiro yeesho falalka waxashnimada leh oo u caado noqotay Qori-Ismariskan Kooxda Carta hogaaminaya, oo ay ugu dambeysay labadii wiil ee walaalaha ahaa oo ay Askartiisa sida bareerka ah ugu toogatay Xamar.

Waxaan kaloon xuseynaa iney askarta Wadaad la moodka Carta, ay baneysatay, kufsasho, dhac, dil, boob, iyo baro kicin ku saleysan qabiil, taasoo mamnuuc ka ah xeerka xuquuqul insaanka dunida oo ay Soomaliya wax ka saxiixday. Uuna muteystay Qori-Ismariska Carta Hogaaminaya in lagu soo taago Maxkamadda ku xad gudubka xuququl insaanka ee Heeg.
Waxaan ka xunnahay, mu'aamaraddii lagu soo dhisay Jabouti, dhibka ay ku heyso umadda Soomaaliyeed oo iyagu u daacad ah in la helo dawlad muwaadiniinta oo dhan isku si u tixgalisa.

Waxaan alle ka rajeyneynaa inuu umadda Soomaaliyeed ay yagleelato; Dawlad loo dhan yahay, xurmada ugu weynna siisa muwaadinka Soomaliga ah.

Xurmo, Madax banaani iyo Sinnaan dhamaanteen.

Af hayeenka ururka SRRC ee Waqooyiga Mreykanka
Abdibarre
jabriil62@hotmail.com
Copyright © 2001 By Qandala.