Qandala Home                           Qandala PSS
Qorshihii DKMG ee Iibsiga Isimada iyo Siyaasiyiinta Puntland Qaarkood!!!

Cali Khalif Galleyr baa mar uu nagula kulmay shirkii Mudulood, ka dib markii uu Carta ka soo noqday saadaaliyay inuu Iibsan doono mawqifka Cigaal ee Soomaliland. Madax adeyga Abdullahi Yusufna go'doomin doono, oo isagoo baryootan ah uu ku soo biiri doono maamulka dawladda ku meel gaarga ah!

Markii aan dib u fiirshay dhacdooyinkii soo taxnaa illaa Shirkii Carta, Waxaa muuqata inuu maalinkaas uu been intayadii meesha joogtay noo sheegayay! Waxa uu rabay inuu iibsado waxey aheyd mawqifka Isimada iyo Siyaasiyiinta Puntland, Somalilandna go'doomiyo! See bey ku timid?

Shirarkii Carta intey socdeen, oo aan goob joog ka ahaa, baa dhowr jeer waxaa shirka ka baxay wakiiladii iyo Isimadii Puntland. Illaa heer waxey gaartay, dastuurka DMKG ey ku dhaqmi doonto loo codeeyay iyadoo ey wakiilada iyo Isimada Puntland ay shirka ka maqanyihiin! Ismaa'il Cumar Geelle, Markii uu ogaaday wey ka careysiisay in Hartiga oo shirka ka maqan la ansixiyay Dastuurkii, wuxuuna sheegay iney shirki ka bur buriyeen haddii ey ansixiyiin dastuurkii dhammaa iyadoo hartigi ka maqan yihiin.

Isma'il Cumar Gelle, wuxuu codsaday in loo sheego ninka oogu fog Isimada Puntland. Waxaa la taabsiiyay inuu yahay, Suldaan Garaase, oo BBC ka yiri; "Gabartaa aamuska lagu meheriyaa, ma yeeleyno in nala jujuubo". Isma'il Cumar Gelle wuxuu faray min 25,000.00 dollar US, in la siiyo Suldaan Garaase iyo Garaad cabdiqani. Hadal dambe oo Isimadan laga maqlo kana baxa BBC ee arimaha Puntland maalinkaas baa u dambeysay!

Ninka ugu dhow Cabdullahi Yusuf, waa Khaliif Ciise e, ahna ninka lacagaha u soo sameeyay Puntland, baa waxaa la xiriiray Ganacsato Mudulood ah si uu ugu soo daabaco iyaguna lacag. Lacagihii, markii la qabtay buu Cali Khaliif soo dhex galay in loo daayo lacagaha. Taas waxey keentay inuu Khaliif Ciise oo Majeerteen ka ah Jifida King Kong ee Cisman Maxamuud, fududeeyo iney is arkaan Cali Khaliif iyo Islam Mahamed Islam Muse. Wuxuu kaloo fududeeyay iney wada kulmaan Cali Khalif iyo Beeldaaje Xaji Cabdullahi ee Cali Saleebaan.

Intaas kuma ekaane, Cali Khaliif iyo Nimanka Puntland ku abtirsada ee DMK waxey u guntadeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Isimada iyo Siyaasiyiinta xag jireenka ah ee Puntland. Waxey ii xaqiijiiyiin niman aad ugu dhow xubnaha dawladda ku meel gaarka ah ee ka soo jeeda Puntland iney ka sameyn doonaan Puntland kacdoon dadweyne iyagoo adeegsanaya Isimada magaca ku leh Puntland. Arintan sir kama aheyn Bulshada Puntland naftigeeda. Dariiqii loo maray iibsashada Isimada Puntland, baa waxey aheyd mid aan dadka Xamar Jooga xitta eyn ka qarsooneyn, waxaase fajiciso noqotay sida ey ugu hiilanyihiin in lacag lagu iibsado mawqifka Puntland ugana lib heleen maamul loo tirinayay inuu kalsooni badan shicibka ka heysto!

Sida loo isticmaalay isimada Puntland waxey cabsi horleh galisay Siyaasiyiinta kale ee ka soo horjeeda DKMG ah.

Baaritaankii aan sameeyay waxaan soo helay, xubnihii wakiilada u ahaa iyo lacagihii Puntland loo diriy, lacagaahaas oo la diray laga soo bilaabo markii Dawladda ku meel gaarka ah ey Xamar ka hawl gashay illaa iyo bishii July ee ina soo dhaaftay. Wakiilada loo kala diray iyo xubnihii qeybinayay magacayadoodu waxey kala yihiin;

1) Garad Cabdi Qani -Illaa shirkii Jabuuti wuxuu qaatay==US$ 250,000.00
2) Suldan Sicid M. Garaase-Illaa Shirkii Jabouti wuxuu qaatay=US $100,000.00
3) Beeldaje Cali Farax iyo wakiiladiisa = US $75,000.00
4) Cabdulqadir Yusuf Cali Kenadid iyo Wakiiladiisa =US $52,000.00
5) Suldan Ah,med M. Mahamud (Hurre) = US $25,000.00
6) Garad Mohamed Cilmi Shirwac- Shirkii Jabouti Illaa July = US $100,000.00
7) Suldaan Cabdulqadir Cilmi Filig iyo Wakiiladiisu = US $ 60,000.00
8) Suldan Abdullahi Ahmed Nur = US $35,000.00
9) Mohamed Suldan Xasna Cali Balle(Qaaruun) = US $7,000.00
10) Jama Ali Jama           =US $ 500,000.00
11) Dr Yusuf X. Nur          =US $ 350,000.00
12) Abdiwahab Mahamud Gurey     =US $ 40,000.00 iyo sh. So. 200,000,000.00
13) Cali Sh. Cisman (Cali badiye) =US$25,000.00
14) Cabdullahi Cali Qood-Shirki Jabouti illa July =US$47,000.00
15) Canbe Canbe- Shirkii Jabouti illaa July =US$55,000.00
16) Dr. bashir Cali Bixi          =US$ 45,000.00

Halkaas waxaa ka cad in dawladda KMG ah ku guuleystay iney isticmaasho wax yar oo ka mid ah lacagihii deeqaha ee Dawladaha Carabtu bixiyeen oo gaarayay 150 Malyan oo US dallar, eyna ku soo dabashay Puntland kuna guuleysato iney soo galiyaan xeyn daab ey saameyn ku leeyihiin. Su'aasl muhim ah baa waxey noqoneysaa, maxey kaloo ku sameyn kareen lacagaha deeqaha, haddii in yar oo ka mid ahi ay cagahooda ku hoos keeneen Puntland! Maxey la damcsanyihiin Digil iyo Mirif? Maxeyse la damacsan yihiin Mudulood? Maxey kaloo la damacsanyihiin Cisman Cato, X. Ceydiid, iyo Mohamed Ibrahim Cigal!

DKMG ah waxey muujisay iney macna darro aheyd dagaalkii hubeysnaa, oo mawqifka beelaha soomaalida lagu badali karo lacag, haddii si qurshe cilmiyeysan ah loo Isticmaalo. Carada dadka qaar heysa waxey tahay, maxey mar hore DKMG ah u adeegsan weyday lacag si loo soo afjaro dagaalada sokeeye loona dhiso dawlad Soomaaliyeed oo edeegyadii bulshada soo celisa sida waxbarashada iyo Caafimaadka.

Dr. Hasan Takow
Mogdishu Somalia
htakow@hotmail.com

 Copyright © 2001 By Qandala.