Qandala Home                           Qandala PSS
Codsi C/llaahi Yuusuf uu u soo jeediyey Beesha Habargidir ee degta Gaalkacyo.
Codsi C/llaahi Yuusuf uu u soo jeediyey…
Gaalkacyo, (WQ)- Sabti, August 19, 2001
Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo dhowaantan laga xayuubiyey Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegayaa inuu ka wado halkaas abaabul dagaal oo uu ku doonayo inuu dib ugu soo ceshado maamulkiisii.
Kornaylka ayaa kulamo kala duwan la yeelanayey tan iyo intii uu ku soo ururay magaalada Gaalkacyo waxgaradka iyo odoyaasha qabaa'illada wada dega magaalada Gaalkacyo iyo agagaaraheeda.
Waxgarad ka socda beesha Habargidir ee deegaanka ku leh halkaas ayuu Kornaylku la kulmay, wuxuuna u soo jeediyey inay u soo diyaariyaan ciidamo ka qayb qaata ilaalinta iyo sugidda nabadgelyada gobollada Puntland waa sida uu hadalka u dhigay, balse waxgaradkii beesha Habargidir ayaa iyagu arrintaa ka gaabsaday, una sheegay Kornaylka in xilligan aysan diyaar u ahayn ka qayb qaadasho dagaal dhex yaalla dad walaalo ah.
Inkastoo ay arrintaasi ay odoyaashu ku gacan sayreen haddana waxaa la sheegayaa inay jiraan maliishiyooyin madax bannaan oo iyagu iskood ugu taga Kornaylka, isna diiwaan geliya iyadoo taa dhiggeeda ay helaan lacag horumarin ah iyo mid ballan qaad ah.
 Copyright © 2001 By Qandala.