Make your own free website on Tripod.com
Qandala Home                           Qandala PSS
MURASHAX MUUSE XAAJI SACIID (ABEES)
FROM: MURASHAX MUUSE XAAJI SACIID (ABEES)
KU: DADWEYNAHA GOBOLLADA PUNTLAND IYO INTA CADDAALADDA,
CAQLIGA IYO RUNTA U SAAXIIBKA AH
(XORRIYO NIN GEYAA HAGUURASADO)

Col, C/llaahi Yuusuf waxaa guurtida iyo shacabka Puntland ka daaweeyeen dhaawacyadii iyo jirrooyinkii uu ka soo qaaday xabsiyadii LABAATAN JIROW (SOMALIA) IYO ALAMBAQA (ETHIOPIA) ee isku dhammaa 12 sano, sababihii uu u galayna ay ahaayeen madaxnimo jeceyl.
Waxaa si hagar la’aan ah 1998 loo caleemo-saaray maskab aadami bixiyo midka ugu sarreeya oo ah jagadii xilka madaxweynaha DGPL muddo saddex sano ah, waxaana sida AXDIGU qorayo laga sugayey in uu muddadaas ku diyaariyo tirakoobka dadka Puntland, afti loo qaado dib u habayn lagu sameeyo dastuurka, suuragelin xisbiyo dalka laga furo,darooshooyin barlamaan oo dalka ka dhaca iyo inuu siyaasad hufan ku hogaamiyo Puntland, u hawlgalo dib u heshiisiin iyo midaynta ummada soomaaliyeed, si loo gaaro qaranimadii soomaaliya ee luntay. Arrimahaasina waxay noqdeen kuwa aan waxba ka qabsoomin ee baaqday, xilna aan la’iska saarin.
Col, C/llaahi Yuusuf waa kasiidaray, wuxuuna keenay bidco aan caalamka hore loogu arag oo ah isaga iyo barlamaankii Puntland oo waqtigii saddexda sano ahaa ka dhaamaaday inay ku heshiiyeen inay 3 sano oo kale ku darsadaan iyagoo aan cidna wax ka waydiin, kuna dhawaaqay inuu is dhaarshay, uuna yahay madaxweynaha xaqa ah ee PL. waa la arki jiray koox awood dal in- qilaab ku qabsata, ama doorashooyin wax ku xadda, laakiin tan oo kale waa lama arag, lama maqal iyo la’inoogama sheekayn.
Wuxuu khilaafay 100% ummaddii waddanka deganayd rabitaankeedii iyo aragtideedii. Aadamiga waxaa u dhexeeya oo la wada ilaaliyaa wixii lagu heshiiyo ama lagu balamo. Col, C/llaahi waa ku tuntay, kuna tagri falay heshiisyadii shacabka Puntland dhigteen. Wuxuu ka horyimid wax allaale iyo wixii la’isugu soo dhowaan karay ama xal noqon-karay. Eraygii iyo ficilkii kasta ee uu sameeyey Col, C/laahi waxay noqdeen kuwo ka hiilinaya dalka, dadka, ammaanada iyo naftiisaba.Arrimahaasina waxay u soo jiideen in lagala noqdo kalsoonidii buuxday ee la siiyey 1998dii, iyo in loo aqoonsado garmaqaate iyo jir-jirroole tuurta lagu siday 7 sano. Oo magacii SSDF ku caano-maalayey iyo 3 sano oo madaxweyninimo ah, wuxuuna sharaystay inuu mar labaad tartamo iyo in uu ku kal- soonaado dadweynihii horay u sharfay.

Si kastaba ha’ahaatee, iyadoo xaaladdu marayso heer nabad gelyo, Isimada iyo shacabkuna si wada jir ah ugu hiiliyeen AXDIGA oo ah qoraalkii ummaddu isku aamintay 1998dii, ayaa madaxweynihii hore ee jiritaankiisu ku ekaa 30/7/2001 dagaal culus ku soo qaaday caasimadda ganacsiga PL ee Boosaaso subaxnimadii 5/8/2001.

Waxay ahayd maalin dadku ku mashquul san-yahay nolol maalmeedkooda oo aan belo bar laga ogayn oo aan sinaba looga malay-nayn korneelka in uu u quurayo, ama ugu abaal gudayo xabbad Boosaaso oo ahayd hooyadii waxwalba u hurtay, sharaftay, magiciisa iyo maamuuskiisana gaar siisay heer aanu weligiis ku riyoon.

Isudarane korneel C/llaahi oo jebiyey rikoorka keli talisnimada, faanna mooday ficilooyin uu ka xishoonjiray ADOLFO HIDLER, waa ku guul daraystay hindisihii uu ku doonayay in uu ku hantiyo Boosaaso, in kasta oo uu adeegsanayey boqolaal ciidan taba-baran ah, kuna dagaalamayey hub culus oo lagu soo iibshey hantidii shacabka PL u dhiibay in wax lagaga qabto daryeelkooda caafimaad, waxbarasho, nabadgelyo iwm, dagaalkaasna isudarane C/laahi Yuusuf isagaa hogaaminayey, safka horena kaga jiray oo hubka culus wax ka ridayey, isagoo ku kal soonaan waayey saraakiishii u daacadda ahayd ee dagaalka kula jirtay, waxaana la caddeeyey in korneelku gacantiisa ku laayey qaar ka tirsanaa ciidankiisa markii uu arkay in ay ka yax-yaxeen shacabkii walaalohood ahaa ee sabab la’aanta lagu xasuuqayey.

Col, C/llaahi oo ka mid ahaa saraakiishii ku ammaanaan jiray dagaal gelinta, uuna aad u tababaray qarankii soomaaliyeed ee bur-buray wuxuu ku hawl geliyey ciidamadii PL ee uu caqliga ka xaday in Boosaaso ay caasi-garawday oo dalka intiisa kale ay ka goosatay, ururka AL-itixaad iyo dawladii lagu soo dhisay Carta ay qabsadeen.

Arrimahaasi waa been abuur iyo bar-kumataal lagu xadayo ra’yul caalamka looguna yeeranayo ciidamo shisheeye oo uu hiil bidayo, runtuna waxay tahay xaaladda dhacday waa kacdoon dadweynuhu kaga aamin baxay korneel C/llaahi

kolkuu kaga soo duulay Garoowe, isagoon nasanna garoonka diyaaradaha ee Boosaasona ka bilaabay dagaal aan la filihayn, diyaarna aan markaas loo ahayn.

Korneylka oo 80 jir ah, bukaan socod ah, wuxuu ku sifoobay duq aa de,diisa ogayn kolkuu u bareeray inuu tuute gashado, dagaal la galo Boosaaso oo cimiladeedu aad u kulushahay, dhufaysna ka dhigtay garoon aan geed lagu gabado lahayn. wuxuuna raq-joogay, haadkana u loogay 30 dhimasho ah iyo 60 ruux oo dhaawac ah, 10 ka mid ahaana dhaawacii u dhinteen, waana denbi diiwaanka ugu jira lagulana xisaabtami doono. Wuxuu halis geliyey xasiloonidii geyiga PL lagu yiqiin, wuxuuna door biday markii laga adkaaday inuu iska horkeeno beelaha PL, uuna bilawdo dagaal lagu hoobto, taasoo u noqon lahayd korneelk xaalad uu ku ciil beelo, kuna raaxaysto, rabbise kama aqbalin, dalkuna waa nabad, midnimadii iyo Axdigii ay hore beeluhu ugu heshiiyeenna waa halkoodii, waxaana 5ta gobol iyo degmada buuhoodle isku waafaq-sanyihiin in aa korneel C/laahi laxumayn ee uu isagu iska hiiliyey, isna eryey, imminkana arrintu taagan tahay XORRIYO NIN GEYAA HAGUURSADO. (Allow midkaloo karoon)

Korneelku waa isu darraaday iskana hiiliyey markuu ku taloxumaystay in uu ankiro awoodda shacabka,kana fogaaday in uu la tashado ama is-fahmaan bulshadiisa uu madaxnimada dalka u siday horena ugu doortay, wuxuuna sii fogaaday kolkuu iskiis isaga cayriyey gobollada Bari iyo Nugaal, lana ogsoonyahay in aan waxba u ool inta kale, uuna maanta meel hungo ah taaganyahay.

Wuxuu qaaday dariiqii ay hore u mareen Siyaad Barre iyo Ceydiid, waxayna kulligood iska indho iyo dhego- tireen rabitaanka dadweynaha oo ah awood jirta oo aan la ankiri karin, abaalkoodiina waa heleen, waxaana su’aasha maanta puntland ka taagani tahay, yaa u hiilinaya nin isagu iska hiilinaya? Murti Soomaaliyeed ayaa oranaysa <<Ra’yi xumo waxaa looga tegey Runi hadday joogto, waa nimaan ku rabin, kaana raba inaad u roonaato>>, sidaas waxaa ku sifoobay Col, C/laahi.

Boosaaso oo ah magaalo la wada deggan-yahay waxay buro u leedahay, laguna kuunyaa dulqaad, xasilooni iyo nabad jeceyl. Muddadii Soomaaliya bur-burka ku jirtay 2 goor ayaa lagu qasbay dagaallo aanay diyaar u ahayn, aadna looga xumaaday, hase yeeshee, 2da jeerba Boosaaso waa ka guulaysatay Ciidamadii Soo weeraray, Garoowe ayaana mar lawadaagtay dagaalada sokeeye.

Boosaaso oo ay ku wada dhaqan yihiin Beelo badan oo wada hubaysan, laguna tilmaamo dawlado yar-yar oo aan xuduud kala lahayn, ayaa sabab u ahaan jiray hortii in ay dhaqso saanta iyo talada isula helaan, ha yeeshee, tabcadii, sinsaaradii iyo dibirrootigii uu korneelku ladamcay, lana waayey ayaa ku abuuray baraarug iyo digtooni midaysay talada iyo tabarta Beelaha G/ Bari. Dad badan ayaa la yaabay, afkana gacantana saaray markay arkeen sida shacabka Boosaaso 2 maalin gudohood ugu dayac tireen, kuna hawl geliyeen qalab Ciidan oo hore u daxal-sanaa, iyo sida ay kumaan kum dhalinyaro hubaysan ah ay isugu dubarideen. Waxaana weli ku soo qul-qulaya goobo badan oo u dhexeeya Boosaaso iyo qardho Ciidammo badan oo ka kala imaanaya miyiga iyo magaalooyinka G/Bari, waxaana kalsooni wayn hadda lagu qabaa in dhaqso loo heli karo Ciidammo deg-deg ugu gurmada meel kasta oo ka mid ah xuduudaha geyiga Puntland haddii cadaw soo caga-cageeyo.

Waxaa sugidda nabadgelyada, dejinta dareenkii qalafsanaa ee uu abuuray korneylku, kormeerka ilaha dhaqaalaha, qabsoomidda shirweynaha dastuuriga ah, xiriirinta gobollada Puntland iyo ka hortegidda dhiillo kasta habeen iyo maalin diyaar u ah Isimmada, waxgaradka, Ciidammada Nabadgelyada, ganacsatada, aqoon-yahanka iyo culumaa’uddiinka iyo dhallin yarada oo ka wada kooban gobollada PL.

Waxaana xusid mudan in si wanaagsan loo bixiyey mushaharooyinkii shaqaalaha iyo ciidammada dhammaan gobollada PL inkasta oo warxumo tashiilku fidiyey been abuur ah in ay bili-liqo Boosaaso ka dhacday, wax walibana bur-bureen.

Boosaaso waa Gaalkacyo, Garoowe, Laascaano iyo Baran, inta kalena waa Boosaaso. Midnimada iyo jiritaanka maamulka PL waa muqaddas aan lagu waayi karin qof iyo koox si gaar ah u fekeraya, kana soo horjeeda inta badan rabitaankooda Insha Alla.

 Copyright © 2001 By Qandala.