Make your own free website on Tripod.com
Qandala Home                           Qandala PSS
Colonel Cabdullaahi Yuusuf iyo Puntland
Punt land waxay ka mid tahay meelaha ugu deggan Soomaaliya hayeeshee waxay ka mid noqotay gobollada Soomaaliyeed ee maamul gaar ahaaneed samaystay nidaamka qabaligana lagu saleeyay sida kuwa kaleba ay sameeyeen oo Somali land ay ka mid tahay xataa dawladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu habeeyay nidaamkaas qabaliga ah.
Cabdullaahi Yuusuf ayaa nasiib u yeeshay in uu madax ka noqdo maamulkaas Punt land lagu magacaabay sida Maxamed Ibraahim Cigaalba ugu nasiib yeeshay in uu madax ka noqdo maamulka la magac baxay Soomaali land,Cabdiqaasim Salaadna uu fursad ugu helay in uu madax ka noqdo dawladda KMG ah ee laga dhisay Soomaaliya waxayna saddexduba wadaagaan waxyaabo fara badan oo ay ka mid tahay iyagoo la soo shaqeeyay xukunkii macangagga ahaa ee Siyaad Barre,jagooyin sarsarena ka soo qabtay xukunkaas.
Saddexduba ma'ahan dad kaftamaya mana fududa in si sahal ah looga qaado xukunkii iyo maamulkii lagu aaminay marka ay u dhammaato waqtigii loogu talogalay,lagamana dhaadhicin karo in maamulkoodu lagu habeeyo nidaamka dimoqraadiga loo yaqaano,sahalna ma'ahan in si sharaf leh looga qaado xukunkii sida sharafta lahayd loogu dhiibay.
Cabdullaahi Yuusuf markii loo dhiibayay madaxtinimada Punt land waxaa lagu heshiiyay oo isaguna raalli ka noqday in muddo saddex sannadood kaddib doorasho la sameeyo maamul iyo madax cusubna la doorto,laakiinse markii ay dhammaatay saddexdii sannadood ayaa Cabdullaahi Yuusuf soo jeediyay in saddex sannadood oo kale loogu daro,hayeeshee madaxda dhaqanka ee Punt land oo markii horena iyagu doortay Cabdullaahi Yuusuf waxay diideen in saddex sano oo kale loogu daro Cabdulaalhi Yuusuf waxayn gaareen go'aan ah in jagadaba laga qaado loona dhiibo ninka ugu sareeya maxkamadda oo la yiraahdo Yuusuf Xaaji Nuur waxayna ka dalbadeen in Agoosti gudaheeda uu ku soo diyaariyo shir weyne beeleed waxayna sheegeen in madaxtinimada Cabdullaahi Yuusuf uusan ahayn mid sharci ku dhisan.
Laakiinse Cabdullaahi Yuusuf oo aan ahayn nin fudud oo kaftamaya ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay BBCda af Soomaaliga toddobaadkii hore in uu ku gacan sayray wixii ay soo jeediyeen madaxda dhaqanka ama kaabo qabiilda Punt land wuxuuna ku eedeeyay in dadka go'aankaas gaaray ay yihiin kuwo u shaqeeya Carte oo lagu soo dhisay dawladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwo asal raac ah oo Islaami ah,Cabdullaahi Yuusuf wuxuu kaloo ku tilmaamay ninka ay u doorteen madaxtinimda Punt land in uu yahay nin wax boobayo,haddii ay isku dayaana in ay xoog wax ku muquuniyaan ka aqbali mayno maslaxadna ma jirto wax kalena ma jiraan,aniguna ayuu sheegay Cabdullaahi Yuusuf ima dooran oo ima soo magacaabin hoggaamiye dhaqan kuwaasoo hawshoodu ay ku eg tahay in ay dhexdhexaadiyaan haddii ay labo beelood is qabtaan laakiinse kanaa madax ah iyo kani madax ma'aha shaqo kuma laha,aniguna waxaan ahay madaxweynaha sharciga ah ee Punt land.
Wallee sheekadu waxay u dhadhamaysaa:"ninkii xoog leh baa xabagta goosta" macnaha ninkii xoog leh ha soo haweysto weeyaan madaxtinimada Punt land.
Wargeys ka soo baxa dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Kasmo soona baxay 03/11/1998 ayaa qoray in dalka Ingiriiska ka aloosmay dacwad ku furantay gaashaanle sare Cabdulaahi Yuusuf Axmed isagoo loo aanaynayo dilistii marxuum Cabduraxmaan Caydiid iyo Abuubakar Xaaji Maxamed Xuseen (Ikar), labada marxuum waxay ka mid ahaayeen hoggaanka SSDF ee markaas jiray Cabdulaahi Yuusufna uu ururkaasi madax ka ahaa.
Labadaasi marxuum oo lagu dilay magaalada Diridhaba 17kii Oktoobar 1984kii si qarsoodi ahna loo dilay waxaa isaguna dilkaas ku dhaawacmay abwaanka weyn Cabdi Muxammad Amiin,wargeysku wuxuu sii qoray faahfahin dheeraad ah oo ku saabsan dilka labadaasi marxuum.
Dilka labadaasi marxuum kaddib waxay keentay in ururkii uu baaba'o Cabdullaahi Yuusufna la dhigo xabsi ku yaalo Addi ababa,ma quusan oo wuxuu ka mid noqday madaxdii dawladdii riyada ahayd ee Xamar laga dhisay loona bixiyay Salballaar muddo kaddibna wuu ka carooday,waxay dad badan u aanaynayaan in Cabdullaahi Yuusuf uu ka danbeeyay dilkii loo geestay walaalaha muslimiinta ah kuwaasoo doonayeen in ay bari ku soo rogaan xukun Islaami ah, Cabdullaahi Yuusuf wuxuu olole u galay sidii uu madax uga noqon lahaa maamulka cusub ee loo sameeyay Punt land wuuna ku guulaystay.
Wargeyska maalinlaha ah ee lagu magacaabo alkhaleej soona baxay 28/07/2001 ayaa sheegay in madaxa maxkamadda sare uu sheegtay in uu yahay madaxweynaha Punt land wuxuuna diiday in Cabdullaahi Yuusuf loogu daro muddo dheeraad ah.
Wargeysku wuxuu intaas ku daray in Cabdullaahi Yuusuf uu shardi uga dhigay shirarkii lagu qabtay Qaahira iyo Carte ee dib u heshiisiinta Soomaaliyeed in uu ka noqdo dawlad kasta oo laga dhisayo Soomaaliya madaxweyne ama ra'iisul wasaare,wuxuuna aad uga soo horjeedaa in Cali Khaliif Galayr laga dhigay ra'iisul wasaaraha dawladda KMG ah ee Soomaaliya.
Wargeysku wuxuu kaloo tilmaamay in khilaafaadkii dhex maray colonel Yuusuf iyo general Caydiid iyo wiilkiisa Xuseen ay sababtay fashilaad ku yimaada wadahadalladii lagu yeeshay Yemen,Masar iyo Liibiya sidii loo soo afjari lahaa dagaalka sokeeye ee Soomaaliya.
Slobodan Milosevic ma u horseedi doona madax Soomaaliyeed oo dalkooda iyo dadkooduba denbi ka galay in iyaguna la horkeeno maxkamadda adduunka ee Hague (Den Haag)?
Maraykanka iyo reer galbeedku waxay olole  galeen sidii maxkamadda adduunka loo hor keeni lahaa madaxweynihii hore ee Milosevic kaasoo denbiyo badan ka galay bani'aaddanka,su'aasha ay dad badani isweydiinayaan waxa ay tahay:arrinta Milosevic ma arrin siyaasad ka danbaysaa,mise wuxuu albaabka u furi doonaa in gacan ku dhiiglayaal badan la hor keeno maxkamadda Hague (Den Haag) ee dalka Nederland (Holland)?
Hadduusan Maraykanku faragelin siyaasadeed iyo mid militaryba ku samayn Yogoslavia,waxaa dhici lahayd in dagaalka Yogoslavia uusan dhammaan, kaalmada dhaqaale ee ay Maraykanka iyo reer galbeedku u ballan qaadeena Belgrad lama soo dhiibeen gacan ku dhiiglaha Milosevic.
Sheekadu ma intaas bay ku dhammaanaysa mise Ariel Sharon oo isaguna dad badan ku gowracay Sabra iyo Shatela waa la hor keeni doonaa maxkamaddaasi?, ma laga yaabaa in maxkamaddaasi la hor keeno Boris Yeltsin oo muslimiin badan oo Shiishaan ahi ku gowracay dalka Shiishaan..aaway dictatorekii Chile general Pinochet oo isaguna dad badan oo nool god ku riday kuna aasay,yaa loo aanaynaya labadii atomic bomb ee lagu riday Hiroshima iyo Nagazaki kumaankuna ay ku naf waayeen,aaway Heniry Kisenger oo sabab u ahaa dilkii loo gaystay shacabkii Kambodjiya intii uu socday dagaalkii Vietnam mas'uulna ka ahaa dilkii ka dhacay Cybrus.
Gacan ku dhiiglayaasha la hor keenayo maxkamadda adduunka ma waxay noqonaysaa arrin siyaasadeed oo lagu fushanayo dano gaar ahaaneed,mise waxaa halkaasi lagu sugaya oo lagu xaqiijinaya garsoorka adduunka?
Innagu Soomaali ahaan ma u ololayn doonaa in aan maxkamaddaasi hor geyno dadkii amarka ku bixiyay in walaalaha reer waqooyi lagu garaaco dayaarado iyagoo aan waxba galabsan,ma laga yaabaa in aan adduunka u sheegno dadkii u horseeday in khayraadkii shacabkeena kala soo bixi lahaa baddeena ay sun ku aasaan sidii ay ugu fushan lahaayeen danohooda gaar ahaaneed,ma dhici kartaa in aan dacwad ku furno dadkii ka danbeeyay in dad walaalo oo Soomaali ahi lagu gowraco xeebta Jasiira oo 25 Km u jirta magaalada Muqdishow iyagoo nool oo aan waxba galabsan,ma laga yaabaa in aan marqaati u raadino dadkii kelyaha kala bixi jiray dad dhaawac ahaa dabadeedna u iib geyn jireen suuqyada adduunka? ma dhici kartaa in aan denbiyo ku soo oogno dadkii duugay ceelashii laga helaayay biyaha oo shacabku ay ku noolaan lahaayeen?
Dadka denbiyada galay way fara badan yihiinee yaan lagu soo koobin Slobodan Milosevic keligiisa?
Ma lagu diirsaday gobannimadii gacanta lagu dhigay?
Shirkii lagu qabtay magaalada Berlin ee dalka Germany sannadku markuu ahaa 1884 laguna gorfeynaayay sidii loo qaybsan lahaa Afrika ayaa ka qaybgalay waddamo dhawr ah oo ka tirsanaa reer galbeedka iyo boqortooyada Itoobiya oo markaasi loo arkaayay in ay tahay xoog goboleed.
Soomaaliya waxay ka mid noqotay dawladihii la qaybsaday iyadoo loo qaybiyay oo loo kala dhigay shan qaybood waxaana kala qaybsaday Ingiriiska,Taliyaaniga,Faransiiska iyo Itoobiya,Jabuuti oo markii hore loo yiqiinay Somali France waxaa la booday Faransiiska, Ingiriiskuna wuxuu gacanta ku dhigay sannadkii 1887 waqooyiga Soomaaliya wuxuuna la baxay Somali England,Taliyaanigu wuxuu gacanta ku dhigay sannadkii 1889 konfurta Soomaaliya wuxuuna u bixiyay Somali Italy,qaybta afaraad oo loo yaqaano Soomaali galbeed waxaa boobay oo gacanta ku dhigay boqortooyadii Itoobiya sannadku markuu ahaa 1885 waxayna isku ballaarisay gobolka oo dhan sannadku markuu ahaa 1897 taasoo ka danbaysay heshiis xudduudeed oo dhex maray boqortooyada iyo Ingiriiska,qaybta shanaad oo xad la leh Kenya loona yaqaano N.F.D. waxaa gacanta ku dhigay Ingiriiska markii danbane wuxuu ku wareejiyay dawladda Kenya.
Waxaa dhashay dhaqdhaqaaqyo fara badan oo looga soo horjeeday kala qaybintaas shacabkii Soomaaliyeedna waxay waagaas dareemeen lagama maarmaanimada in la helo Soomaaliya oo mid ah waxaana loo galay halgan dheer sidii arrintaasi loo xaqiijin lahaa,
26kii Juun 1960 ayaa markii ugu horreysay gobannimadii qaatay gobollada waqooyi ee Soomaaliya,1dii Julayna isla sannadkaas waxaa gobannimadii gacanta ku dhigay gobollada konfureed waxayna labadaasi gobol isla garteen in ay midoobaan oo ay isku noqdaan hal dal halkaas bayna ku dhalatay tallaabadii ugu horreysay ee midaynta dhulalka Soomaaliyeed oo loo soo halgamay.
1960kii ilaa 1969kii waxaa Soomaaliya isku beddelay labo madaxweyne oo rayid ahaa midna wuu ku guulaysan waayay in uu isku keeno shantii qaybood ee loo qaybiyay Soomaaliya,October 1969 waxaa dalkii la wareegay ciidankii qalabka siday waxayna dalkii ku soo rogeen xukun militery ah,intii uu socday xukunkaasi ayaa sannadkii 1977 Jabuuti gacanta ku dhigtay gobannimadeeda,nasiib xumo waxay Jabuuti markiiba go'aansatay in ay goonideeda u is taagayso lana midoobin Soomaalida kale,waxaana halkaasi ku luntay rajadii la qabay oo ahayd in Soomaaliya ay isku noqoto mid qura, xukunkii militeriga wuxuu ku guuldaraystay in uu isku keeno qaybaha maqan ee Soomaaliya sidii kuwii ka horreeyayba ay ugu guuldaraysteen.
Waxaa laysku dayay in xoog looga saaro xukunkii militeriga isaguna xoog buu adeegsaday ilaa markii danbe dalka oo dhan uu ku baaho dagaal sokeeye,jabhadihii hubaysnaa ee dagaalka soo qaaday waxay isku qaybiyeen qolo qolo iyo qabiil sidii ay samayn jireenba dawladihii dalka ka jiray.
Dagaalkii sokeeye wuxuu dalka u soo hooyay degganaansho la'aan,ammaandaro,dawlad la'aan iyo midnimo la'aan,sannadguurada 41aad ee gobannimada Soomaaliyana waxaan ku xusaynaa innagoo aan faraxsanayn oo qaarkeena ay gudaha ku macluulsan yihiin qaar kalena ay dibedaha ku dandaraysan yihiin.
N.F.D. waxay weli ku hoos jirtaa Kenya,Soomaali galbeed dhexdooda ayaaba khilaaf ka taagan,Jabuuti waxay noqotay dawlad xor ah oo madaxbannaan,labadii gobol ee waqooyi iyo konfur oo markii hore hal isku ahaa way kala tageen dagaalkii sokeeye kaddib, waqooyiga waxaa lagaga dhawaaqay dawlad u gaar ah oo aan weli aqoonsi ka helin adduunka waxayna qaar u arkaaba in ay tahay dawlad qabiil leeyahay,Jabuutina waxaa lagu soo dhisay dawlad Soomaaliyeed oo qabiilka salka ku haysay waxaana xarun looga dhigay Muqdishow oo hoggaamiye kasta qayb ka haysto dawladduna ay ku dhicin in ay u dhowaato,waqooyi bari ayaa maamul u gaar ah samaystay waxayna imminka taagan tahay in xoog looga saaro maamulka meesha ka jira oo dad badan ay ku tilmaameen in uu wax ku maamulo si macangagnimo ah qaar kalena waxay leeyihiin gobolku waa gobol nabadeed aan madaxa u salaaxno maamulka jira haddii xoog la sheegtana macangaggu waaba siduu rabay.
Kolley in la rajo dhigo ma fiicna Eebbana in mar kasta la baryo sidii aynu isu noqon lahayn dad is-haysta oo isku hadaf ah walaalana ah.
Ariel Sharon..ma lagu caddayn doonaa in uu yahay mujrim dagaal?
Qof kasta oo denbi ka gala dilna u geesta addoon Ilaahay uuntay,adduunkana farax iyo liibaan ku noolaan maayo kuna waari maayo aakhirona meel fiican ku hooyan maayo sidaas daraadeed waxaa fiican sidii aan adduunkana nabad ugu noolaan lahayn aakhirana aan Alle uga baryi lahayn in uu na geliyo jannada in aynu dhawrno addoonka Ilaahay oo aan denbina ka gelin silic iyo dilna kula dhaqaaqin.
Warbaahinta adduunka ayaa beryanan lagu hadal hayay dacwad lagu furay Ariel Sharon oo ah ra'iisul wasaaraha dalka Isra'il kaasoo lagu eedeeyay in uu dad badan ku gowracay xerooyinka Sabra iyo Shatella oo ku taalo magaalada Beyrut ee dalka Lubnaan.
Channelka kowaad ee Tvga BBC lagana leeyahay dalka Ingiriiska ayaa soo bandhigay galabnimadii axadda 17/06/2001 barnaamij ducumenti ah oo ka hadlaaya doorkii uu ka cayaaray Ariel Sharon ra'iisul wasaaraha dalka Isra'il dilkii loo gaastay dadkii ku jiray xerooyinka Sabra iyo Shatella 18kii Sebtember sannadkii 1982kii wuxuuna xasuuqu socday 36 saacadood waxaana halkaasi ku naf waayay dad maato ahaa oo isugu jiray dad u dhashay Lubnaan iyo Falastin waxayna dhammaayeen ilaa 3500 oo ruux.
Tvga MBC oo laga sii daayo dalka Ingiriiska kuna hadla af carbeedka ayaa isaguna soo bandhigay barnaamijkaasi ducumentiga ahaa galabnimadii khamiista 21/06/2001 waxaana barnaamijkaasi lagu soo celiyay galabnimadii jimcaha 22/06/2001 waxaana qofkii daawada uu dareemayay sida foosha xun lahayd ee bani'aaddamnimada ka baxsan loo laayay dad aan waxba galabsan cidina aan denbi ka gelin.
Ninka iska leh barnaamijkaasi wuxuu sheegay in muddo laga joogo labaatan sannadood uu Ariel Sharon oo markaasi ahaa wasiirka gaashaandhigga ciidankiisa iyo maleeshiyada Lubnaan u diray gudaha xerooyinka Sabra iyo Shatella ee ku jiray qaxooti Falastiin ahaa, markii ay maleeshiyadii ka soo baxeen xerooyinkii ayaa 36 saacadood kaddib la ogaaday in dad boqolaal ahi ay ku nafwaayeen meelahaasi.
Bandhigga barnaamijkaas wuxuu la kowsaday dacwad ay furtay haweenay la yiraahdo Sucaad Al-murci oo ka mid ahayd dadkii goobjoogga ahaa markii uu falkaasi foosha xun dhacayeen,waxayna dacwad ka furtay maxkamad ku taalo dalka Belgium,Sucaad waxaa xilligaasi lagu furay xabbado oo ay qarkood ka gashay dhabarka kuwo kalena lugaha taasoo ay keentay in ay imminka ulo ku socoto,waxay indhaheeda ku aragtay aabbaheed iyo hooyadeed oo agteeda lagu gowracayo iyo dad kaloo familkeeda ahaa dabadeedna iyadii lafteeda lagu kufsaday isla goobtii iyadoo markaasi jirtay 14 sano,ashtako taa la mid ah waxaa furay dad badan oo goobjoogayaal ahaayeen iyo ururo kale oo aan dawli ahayn.
Sucaad oo imminka 36 jir ah kana muuqda dhawicii ka soo gaaray xasuuqaas ayay aadday Belgium iyadoo uu la socday qareenkeeda oo u dhashay Lubnaan lana yiraahdo Shabli Malaadh waxayna shir jaraa'id oo ay ku qabatay Bruxelles ka sheegaty sida ay u dhacday dilkii ka dhacay Sabra iyo Shatella,sida laga warqabana sharciga u yaalo dalka Belgium oo la dejiyay 1993kii wuxuu sheegaya in maxkamadaha Belgium lagu eegi karo dadka denbiyada ku gala dagaallada iyadoo aan loo eegaynin meesha ay ka dhacday iyo dhalashada dadka dhibka loo geestay.
Ariel Sharon waxaa lagu soo oogay 23 dacwadood waxaana ugu waaweyn isagoo geestay denbiyo ka dhan ah bani'aaddamnimada,denibyo dagaal,dad rayid ah oo uu ku gumaaday xeryo qaxooti ah iyo kuwo kaloo fara badan.
Sharon wuxuu asalkiisa hore ahaa Poland wuxuuse qaatay dhalasho Isra'il ah,wuxuu ka qaybgalay dilkii loo geestay Falastiin dhulkoodina laga saaray sannadkii 1948,wuxuu ka qaybgalay dilkii loo geestay la haystayaashii Masaarida sannadkii 1956kii,Sharon wuxuu dhashay sannadkii 1928,jagooyin fara badan ayuuna u soo qabtay xukuumadda Isra'il.
Faallooyinkii hore
Warfidiyeenka iyo wacyigelinta shacabka:
Wariyeyaashii iyo saxafiyiintii joogay xilligii dawladihii rayidka iyo tii militerigaba waxay inta badan hawlahooduu ku koobnaayeen waxa ay dawladdu doonayso in ay sheegaan,shacabkiina waxaa loo gudbinaayay oo keliya wixii ay dawladdu sheegto halkii la rabay in wixii ay dadweynuhu doonayeen loo gudbiyo dawladda.
Waxaa kaloo la diiddanaa xilligii xukunkii militeriga dalka ka jiray in si xorriyad ah wax loo sheego ama in la qoro wixii ay shacabku doonayeenn iyadoo laga baqaayay xukunkaasi.
Xorriyaddi saxaafadda ayaa la cunaqabateeyay,si saraaxad u hadalna lama oggolayn, baqdin baa la abuuray xataa haddii aad is tiraahdo arrin ijtimaaci ah ka hadal waxaa loo leexin jiray siyaasad,sheekadu waxay markaasi ku soo gabaggbowday ama wanaagga dawladda sheeg ama afkaaga ka adkaw oo waxba ha qorin.
Dagaalkii sokeeye kaddib waxaa dhashay wargeysyo xor ah bogag xor ahna waxaa laga furtay internetka,laakiinse waxaa la isweydiinayo waxa ay tahay:ma yihiin bogagtaasi iyo wargeysyadaasi kuwo u adeegaya shacabka Soomaaliyeed oo dhibaatooyin fara bada loo geestay,in ay wax gartaana loo diiddanaa?..ma yihiin kuwo si wanaagsan oo daacadnimo ay ku jirto u gudanaaya ammaanada ay hayaan,mise waxay isu beddeli doonaan sida ururada oo kale kuwaasoo Soomaalinimo ku soo ganbada dadkana ugu sheekeeya in ay waddaniyiin yihiin haddana ay hoosta ka wataan qabiilkii qurmuunka lagu sheegay,dadkeenina dibedda u kala diry?
Dabcan haddii ay dhacdo in wargeysyadaasi iyo bogagtaasi ay shacabka isaga dhigaan dad u adeegaya haddana ay hoosta ka wataan qabiilka sida ay ururaduba sameeyeen, taasi waxay marka danbe keenaysa in shacabku ay kala noqdaan kalsoonidii ay u hayeen sida ay ula noqdeenba ururada qabiiliga ah markaana lays yiraahdo war page kaas ha nagu furin wax aan qabiil ahayn kama sheekeeye ama pagekaasi innaga daa waa page qabiil heblaaye!
Waxaan rajeynayna in aan xor ka noqono danihii gaar ahaaneed oo dalkeena dib u dhigay iyo qabiilkii qurmuunaa oo qarankeena qallooca geliyay,waxaan kaloo rajeynaya in qormooyinkeenu ay nadiif ka ahaadaan in aan ugu adeegno danaystayaasha xataa haddii ay malaayiin iyo jagooyin ay noo ballan qaadaan,ammaanada aan haynona u gudano si sharaf leh oo nadiif ah.
Qabiil waxaan uga hari karnaa in aynu faraha ka qaadno war ka dhigasho labo jilib oo qabiil hebel ka tirsan ayaa tuulo hebla isku dagaalay ama Suldaan baa loo caleemo saaray ama Boqr baa la duubay,wararka noocaas oo kale ah wax dhedhen ah u yeelan mayso nin la rabo in aynu garasho siino oo aan u sheegno sida uu qabiilka inoo galay,kuna dadaalno sidii aan uga bogsiin lahayn xanuunkii ka soo gaaray dagaalkii ahliga ahaa ee dalka ka dhacay,walaalaheenuna ay ku hoobteen kuwo kalena ay weli dhaawacii ka soo gaaray la jiifaan, in aan ugu sheekayno horumarka dunida ka socdo,in aan la socod siino cilmiga adduunka ku soo kordhay,ugana sheekayno in qofku uu xor u yahay ra'yigiisa,qofkuna uu mucaarid noqon karo,mucaaridnimadiisuna ay ahaato mid uu wax ku dhisayo ee aysan ahayn mid uu wax ku duminayo.
Mucaaridnimadu waa tiir aasaas u ah nidaamka dimoqraadiyada waana mid uu ku dhismi karo mujtamaca ilbaxa ah,mucaaridku waa in uu ka soo horbaxo wixii fasaad wado iyo waxa dhibka u keenayo mujtamaca,keli talinimada iyo qabiilkana uu dagaal ku qaado, mucaaridku ma'ahan in qabiil dartii uu dad uga soo horbaxo lana dagaallamo ama dano gaar ahaaneed awgeed uu dad ku dhalleeceeyo ee waa in uu noqdo mid ay ujeeddadiisu tahay in uu wax ku dhisayo waxna ku hagaajinayo.
Marka aan wax mucaaridayno waxaa innagu waajib ah in taageeradeenu iyo diidmadeenu ay noqoto mid aynu u samaynayno waddanka dartii innagoo ku duulayna wixii dan guud ah dalka iyo dadkana dan u ah,markastana aan sheegno wixii maslaxad u ah shacabka Soomaaliyeed oo marna dan ugu jirin in ay maqlaan ama in loo sheego wax qabiil sal ku haayo.
Waxaan u arkaa in ummaddeenu u soo bandhigno wax adduun iyo aakhiraba ay ka faa'idaysan karaan,in aan u sheegno sidii loo gaari lahaa midnimo Soomaaliyeed oo qof kastoo Soomaali ah uu rajeyanyo in uu arko isagoo aan ifka kategin Soomaali oo isku duuban iskuna xiran.
IftiinNet iyo waxyaabaha lagu soo qori doono:

IftiinNet..wuxuu idiin soo bandhigi doona haddii Allah Idmo waxyaabo fara badan oo Soomaalida waxtar u noqon doona,garasho iyo googgaalaysina ay ka heli doonaan, wuxuu si caddaan ah u qeexi doona waxa danta guud iyo danta gaar ay kala yihiin, wuxuu si geesinimo leh u lafaguri doona halka uu qabiilku naga soo galay iyo meelaha laga isticmaalo,wuxuuna sharxi doona xaqiiqda aayadda qur'aanka ee shucuuban wa qabaa'ila waxa loola jeedo,wuxuuna daaha ka qaadi doona sida xaqdarrada ah oo dad innaga mid ahi loo takooray iyo dadka takoorka geestay waxa ay ku saleeyeen takoorkoodu.

IftiinNet.. wuxuu soo qori doona farqiga u dhexeeya baaqa caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo xuquuqul insaanka Islaamka,wuxuu soo gudbin doona:diinta iyo dawladnimada in laysku mataaneeyo ama in la kala dheereeyo sida fiican,wuxuu soo qori doona waxkastoo cusub oo dunidan ku soo kordha iyo wararka Soomaalida ee ka dhaca dalkan Holland iyo dibeddiisa iyo waliba dalka hooyo.

IftiinNet..wuxuu si geesinimo leh u sheegi doona dadkii yiri:xaq bay ahayd in waqooyi galbeed Soomaliya la baabi'iyo iyo dadkii Kenya u saxiixay in NFD gacanteeda loo geliyo,wuxuu kashafi doona ninkii dilay Kamaaluddiin Salaax oo geesi Masaari ahaa shacabka Soomaaliyeedna la duubnaa markii loo halgamaayay gobannimada iyo dadkii la saftay gumeysigii Taliyaaniga oo shacabka Soomaaliyeed cadaadin jiray iyo ciddii sabab u ahayd burburintii xisbigii waddaniga ahaa ee S.Y.L..
IftiinNet..wuxuu shaaca ka qaadi doona dadkii shisheeyaha garab ku siiyay in xeebaha Soomaaliya ay sun ku aasaan iyo dadkii kala bixi jiray kelyaha shacabka Soomaaliyeed iyagoo dhaawac ah dabadeedna ay u iib geyn jireen suuqyada adduunka,wuxuuna codsan doona in dadkii denbiyada ka galay dadka iyo dalka Soomaaliyeedba la soo taago maxkamadda adduunka.

IftiinNet..wuxuu wareysan doono dadka lagu tuhmo in ay denbiyo geesteen iyo kuwa kale oo xogogaal ah,su'aalo diini ah iyo jawaabahooduna wuu soo qori doona,dumarka xuquuqdooduna daaha ayuu ka qaadi doona,shacabka Soomaaliyeedna wuu u adeegi doona isagoo ku duuli doono danta guud iyo wixii dan u ah danta dadkiisa iyo dalkiisaba,wuxuuna soo gudbin doona cinwaanada qalabka warbaahinta adduunka oo aalaabba wax ka qora ama ka sheega arrimaha Soomaaliya.
IftiinNet..wuxuu la safan doona ra'yiga dadweynihiisa,waxaana si wadajir ah u oran doonaa:dooni mayno heshiis kasta oo aan nagala tashan, waxaana dib u eegi doonaa heshiisyadii horay loo galay in ay dan noo ahaayeen iyo in kale sida: qaadashadii mabda'ii hantiwadaagga ahaa iyo ku biiritaankii ururka jaamacadda carabta iyo waxyaalo kale,iyadoo la furi doono dood furan oo shacabka Soomaaliyeed ay ra'yigooda iyo talooyinkooduba ay isku waydaarsan doonaan.

Iftiin Net..wuxuu rajeynaya in uu muraayad u noqdo himilada shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo dibeddaba,wuxuuna soo dhoweynaya ra'yiga dadweynaha oo dawladihii hore aysan danba ka gelin,wuxuuna danayn doona kuna duuli doona ra'yiga dadkiisa.


IftiinNet..waxaad ka heli kartaan : http://www.iftiinnet.com
Talooyinkiinana waxaad noogu soo hagaajin kartaan:E-mail: webmaster@iftiinnet.com

Copyright © 2001 By Qandala.
Khadar Jacfar