Qandala Home                           Qandala PSS
Laba Nin Oo Laga Qafaashay Bartamaha Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho.
Muqdisho - Dabley hubaysan ayaa maanta laba nin ka qafaaltay bartamaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee ku yaal Magaalada Muqdisho.
Dabley tiradoodu gaaraysay 4 nin oo qoryo fudud ku hubaysnaa ayaa gaari caasi ah oo ay wateen ku amray in ay raacaan laba nin oo sida la sheegay ahaa ganacsato. Dableyda wax qafaalatay ayaa nimanka ay afduubeen la soo maray wadada ay dadku ku badan yihiin ee hormarta shirkadaha Barakaat iyo Telecom mana jirto cid isku dayday in ay ka reebto,
Gabar uu dhalay mid ka mida ragga la afduubtay oo daba ordaysay baabuurka ay wateen dablayda oo tartiib ku marayey wadada ciriiriga ah ayaa iyadoo ilmaynaysa radiyaha  u sheegtay in aabaheed xaqdarro lagu haysto. Macadam sababta rasmiga ah ee afduubkaan keentay

Copyright © 2001 By Qandala.