Qandala Home                           Qandala PSS
MURASHAX MUUSE XAAJI " OO KA FAALLOODAYWAX -KU-OOLNIMADA GUURTIDA IYO KARTIDA SHACABKA PUNTLAND
Maamulka Puntland Ciyaar Kuma Iman, Waxaana Xaaladda Adag Ee Jirta Kaga Gudbi Karraa Wadatashi, Wadajir Iyo Wada Shaqayn.Qarniyaashii tirada badnaa ee aan adduunka ku dhaqnayn waxaan ku kala tilmaami Karnaa:-
Waayadii ugu badnaa ee la quusayey badweyntii bahal galeenka iyo mugdiga  ahayd,   casri jahligii iyo oday ka sheekeey, iska warhaynta duniduna aad ciriiriga u ahayd.Waqtigii guumaystayaasha reer yurub shanta inagu dhigeen.30-kii sano ee xoriyada.Iyo 11-kii sano ee Soomaaliya ku shalwatay booraanta dheer ee
mugdiga iyo aaya la'aanta  ah.Waayadaas kala fogaa, kalana heerarka ahaa waxaa shacabka mar walba
dawlad dhiman u ahaa guurtida iyo culumaa'udiinka oo ajar Eebbe raadis ahaa,
kuna shaqaynayey xeer-beegti iyo dhaqan aan qorayn balse la isku waafaqsanaa iyo Shareecada Islaamka oo sida loo yiqiin ay ka xoog badnayd sida loo aaminsanaa looguna kalsoonaa.Dadaalkii, daacadnimadii iyo dab seexintii guurtidu maalin walba u taagnaayeen ayaa Alle ku taageeray waxayna maanta marayaan heer ay
gacan ku dhiiglaha ku fuliyaan shareecada Islaamka lana qisaaso, waana arrin xaq ah oo aad u adag, ayanna fulin karin dawlad aan xoog iyo caaddilnimo ku tiirsanayn.Guurtida Puntland oo ay baalal u yihiin dadweynuhu waxay arrimahaan aan soo sheegnay uga sii gudbeen karti gaar ahaaneed iyo is-xilqaanna ku
yeesheen inay udubka u taagaan dawlad goboleed ( Puntland State Of Somalia )
iyagoo aqoonsan in aan sinaba looga maarmi karin maamul qaybeed ku-meel-gaar ah, inta dib loo umaamudayo qaranimadii Soomaaliya ee xuutka loo loogay, waxaanna cid kasta marag ugu filan maamulkii laga dhisay Garowe 1998-dii.Maamulkaas oo imminka gabalkiisii dhacay, shacabkuna u soo dhabar-adaygay 3 sano oo u dhiganta 15 sano oo dib u dhac ah, waxaa kalsooni buuxda dadku ku qabaa in cababshooyinka ka imaanaya dhamaan beelaha iyo deegaamada P/land ka kooban tahay ay u fuddudahay guurtida in ay wax ka qabtaan, ayna
dhisaan mar labaad Maamul bulshadu ku degto, kuna haqab-beesho inshaa Allaah.
Maamulkii 1998-dii waxaa lagu dhisay jawi ehelnimo iyo rabitaan dadka yimi, waxaana xilalkiisa ka mid ahaa inuu guurtida la tashado dalka iyo dadka wax u qabto, noqdona mid u debecsanaada, dhegaysta, tixgaliya, u-dulqaata, isu keena, hirgeliyana fikradaha iyo himilooyinka dadweynaha, waase ka marin habaabay laguna hungoobay, dadaalkii bulshadana waa khasaariyey, wuxuuna u dhega nuglaaday quud u taabac, qab-qable iyo
dib-jirro dadkoodiiba dayrsheen, isagoo hilmaamay inuu yahay hogaamiye Ummadi dooratay.Ururka midowga reer yurub oo aqoon gaar ah u leh Soomaaliya, mar uu faaleeynayey xaaladaha Soomaaliya iyo 10-kii sano ee bur-burku ka jiray wuxuu ku tilmaamay Puntland in ay tahay meel ay ku dhaqan yihiin shacab aad u wanaagsan oo iskood dawlad u ah, balse aanu ka jirin maamul wax ku ool ah oo lagu kalsoonaan karo.Guurtida iyo shacabka Puntland mar hadii ay sugeen xasiloonidii qaaliga ahayd, ayna la yimaadeen karti ay maamul dawli ah ku dhiseen maxaa
kaloo laga sugayey??. Dadka sidaas u hagaasan oo aan la heli karin ninkii hoggaansan waayey soo loo har maaha? Shacabkaasi miyaanu ahayn hooyo magool ah oo aad loogu naaloodo oo haruub iyo haaneed la'aan afka lagula jiro?
Miyaanu ahayn deeq-bixiye aadaminimadu lidda kaga jirto? Miyaanu ahayn muddeec deeqsi ah, dulqaad badan, xoriyadda jecel, dulmiga iyo abaal kadhaca neceb, macaan aan la dhamayn karin, badina qaraarkiisa qarsada ilaa xad? Miyaanu ahayn wabi ay ka buuxaan caqli, cilmi, talo, tabar, tayo iyo diiwaan aan laga xiisa beeli karin? .
Hase yeeshee murti baa oranaysa << shacabka wanaagsani wuxuu ka adag yahay dawlada wanaagsan, waxaana shacabka wanaagsan ka horyimaada dawlada xun tiibaana maanta taagan. Inshaa Allaah Shar-gudban Shaydaana Xijaaban.Maamulka Puntland ciyaar kuma imaan mana jirto cid siday doonto ka
yeli karta, waxaana loo wan-qalay wakhti talo faro ka haaday, waana xaq inuu jiro, uuna laba lixaadsado waxaana  mudan ciqaab culus iyo cafis la'aan shaqsi kasta oo ammaanada Ummada dhawri waaya mar hore iyo mar
dambeba. Xaaladda adag ee aan hada ku jirno waxaan kaga gudbi karraa wada-tashi, wada-jir iyo wada-shaqayn, waana in aan kuligeen iska xil saarno danaha
dadka ee Puntland.
Wabilaahi Towfiiq
Copyright © 2001 By Qandala.