Qandala Home                                                Qandala PSS
HABBONAAN LAHEYDAA INAAN GARANO XILKEENA
W/diyaariyay : Muuse Xaaji Sisciid
Wargeyska Al-wadan Boosaaso PL

Waxaa aad u habboonaan layayd in dadkeennu  garto xilka weyn ee inaga wada saaran dalkeenna iyo dadkeenna, aynuna ku sifoowno xilkaas xisaabtamaya, kana baxno walaahowga iyo maxaa layiri.
Dalkasta waxa dhisa, daafaciisa u dhinta, horumarkiisanna xilka saran yahay dadkiisa.
Qafka aadamiga ah oo cimrigiisu yahay mid xaddidan wuxuu dalkiisa iyo dadkiisa wax u qaban karaa inta uu nool yahay, dhalin yar yahay, uuna caafimaad qabo, hubkiisuna waa aqoonta oo uu hagar la'aan uu ku hibeeyo. Dalkaagu wuxuu kuu yahay Hu', hunguri, har, hub, hooy iyo haybad, wuxuuna kuu horseedaa himiladaada, mana jirto cid ka maaranta dalkeedda, waxaadna ka maashaa xoogga aad gelisaa hadba inta uu le'eg yahay. Kalkaad wax ka dhigto dalkaaga waxaad doonto sheego, haddiise aadan waxba u qaban karin hakaa nabad galo.
Fadlan, ha dhaliilin, meelo kalena hawga hanqal taagin dalkaaga, illeyn cidi mid kale ku siin maysee. Ha u nicin, hawga tegin, hana u burburin dalkaaga lama huraanka ah qof ama koox aad ku kala duwanaan kartaan aragtida siyaasadeed, hab dhaqanka, hanaanka hogaamineed, ka damqashada daryeel la'aanta daran ee bulshadu la taahayso iyo ku xadgudubka ammaanadda.
Ha xumayn, ha xaman, ha xaqirin, ha xadin, beenna ha u sheegin dadkaaga mid aad tahayba. Weligaa daacad u ahaw, dulqaadna u yeelo dhibaha bulshada kala maanka ah, haddana ah kuwa mudnaanta koowaad iska leh, kuna dadaal in aad kasbato saaxiibo kula aragti ah oo uga tura dalkooda xumaanta, una horseeda wanaagga uu mudan yahay. Dhagxaanta,  dhalada, qodaxda, musmaaarka iyo qori jidka ka qaad. Sigaarka shidan ee layska tuuray dami, bohosha duug, indhoolaha, ubadka, waayeelka, xaamilada, xamaaliga, curyaabka, kuwa xanuunsan iyo masaakiinta gacan sii. Uga tur xoolaha nool in baabuurtu jidka ku disho, shimbiraha, dumadaha, naflayda kale ee aan nacabka ahayn soo dhow, haddii aad awooddana biyo iyo baadba ugu deeq, hana ku joogsan quraanyada Iwm, isku day inaad dhir talaasho, ranji daboolka gurigaaga oo u daran diyaaradaha iyo isha dadka, waxna ka tara quruxda iyo riganka.  Korontada go'an ka dig  kana wargey, ka warqab isbitaalka, dhiigana bixi waa kuu sadaqee.    Weligaa hamurmin si aadan u caroon, si aadan cidna isu seegin, ku dadaal in aad u nasteexeyso dadkaaga markay haboon tahay, lagaana qaadanayo. Dhaliisha qayaxan waa laysku nacaa, waxbayna dumisaa ee iska ilaali, amaantana waa la isku raacaa oo lagu farxaa, waxna way dhistaa ee u toog-hay, xataa haddii aanay run ahayn.
Tusaale waxa inoo ku filan, badiba dhallaanku marnaba kuma hoggaansamaan canaanta badan kumana aamusaan garaacidda, balse waxay aad u soo debcaan, farxaan, eyna qoslaan kolkaad ku tiraahdo “Aabbe iyo wanaagsane” madaxana u salaaxdo. Midda kale, waxaa dhici karta in xaaskaagu maalin maalmaha ka mid ah iyadoo kuu caraysan, diyaarna u ahayn in dib dambe dabloo kala qaato ay qada kas iyo maag ugu darto xoogaa ciid ah, haddaad u dulqaadato, wejigana farxad ka muujiso oo tiraahdo “mahadsanid, qadada wacan maanta”, waxay u badan tahay in aadan dib dambe dhibaatadaas ula kulmin, haddiise sida loo badan yahay aad bilowdo, “ah, oh, uf, yac”, wejigana kuduudiso, ilko-badani waa dalooshamayaan, dhibtuna waa sii durkaysaa. Qof waliba wuxuu himiladiisa gaaraa, bulshadiisuna qiimaysaa markuu xilkiisa u guto sidii la rabay, rabitaankiisana ka hormariyo oggolaanshaha dadka kale tooda. Sidaas darteed, ha ku cannaanan, hana ku ceebeyn deriskaaga qashinka badan ee gurigooda hor dhooban, adigoon u jeedin midka jidkaba ka jaray gurigaaga, waa gef mana haboona in aad daafacdo carruurtaada markii derisyadaadu kaaga soo cowdaan, waxaana asluubtu ku jirtaa in aad bixiso garowsiinyo, raali gelin iyo in aad cannaanato ubbadkaaga, si dhibtu halkaa ugu danto.

Wargeyska Al-wadan          Khamiis 6Sept,2001
Khadar Jacfar  Qandalo@yahoo.com
Copyright © 2001 By Qandala.