Make your own free website on Tripod.com
Qandala Home                           Qandala PSS
GO'AAMADII KA SOO BAXAY SHIRWEYNIHII TOLKA CALI SALEEBAAN KU YEESHAY MAGAALADA CARMO
(2 - 6 Jun 2001)
REERA NABADAA NAQ LA GEEYAA

Markii ay soo ifbaxday in ay ku soo fool leedahay degaanka Puntland khalkhal siyaasadeed oo keeni kara arrimo qalafsan oo ay ka mid tahay nabadgelyo xumo iyo cabsi saamaysay dadweynaha rayidka.
Waxaa guddigii siyaasada ee tolka iyo waxgaradka beelaha Cali Saleebaan u muuqatay inay tahay lagama maarmaan in la qabto shirweyne guud oo ay isugu yimaadaan beelaha Cali Saleebaan laguna qabto magaalada Carmo, si xal loogu helo dhibaatooyinka jira .
Shirkan oo furitaankiisii ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u farabadan iyo ergooyin ka kala yimid dhamaan degaamada Puntland iyo wadamada dibadda, dhamaan ka soo qeybgalayaasha shirkaas oo tiradoodu ahayd 984 qof, ayaa wufuudii shirka ka soo qeyb gashay iska dhex doorteen 83 qof oo ergooyin howl fullineed ah.
Shirgudoon iyo xogheyn ka dib, waxaa la guda galay ajendayaashii shirka oo ka koobnaa laba iyo toban qodob oo kala ah :-

1-Xoojinta midnimada Shacabka Geyiga P/L iyo Soomaaliyaba
2-Xallinta dhibaatooyinka Shacabka Geyiga P/L dhexdiisa.
3-Dib u habeynta guddiga siyaasada tolka.
4-Murashax tolku ku mideysan yahay.
5-Mowqifka tolka ka qaadanayo haddii doorasho ka dhici weydo degaanka PL.
6-Nabadgelyada guud ee Puntland.
7-Arrimaha bulshada .
8-Arrimaha dhaqaalaha.
9-Arrimaha degaanka iyo bey'ada.
10-Adeega guud iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
11-Siyaasada guud ee Soomaaliya.
12-Xoojinta, iyo ku dhaqanka diinta Islaamka.

QODOBKA 1AAD: Xoojinta midnimada Shacabka Geyiga P/L iyo Soomaaliyaba
Dood dheer oo ay ergadu ka yeelatay Xoojinta midnamada Shacabka Geyiga P/L iyo Soomaaliyaba, waxaa 100% la ayiday aragtidaas lama huraanka ah. si loo mideeyo fikirka, afraada dadka, ayaa waxay ergadu gudoonsatay in midnimada Geyiga P/L iyo Soomaaliyaba tahay muqadas isla markaana la xalliyo wixii dhibaato iyo khilaafaad ah oo ka jira Geyiga P/L dhexdiisa iyo Soomaaliyaba, taasoo ku iman karta kala dambeyn, is aaminid, is tixgelin, wax wada qabsi iyo Alla ka cabsi ay ku jirto ikhlaasnimo.
QODOBKA 2AAD: Xallinta dhibaatooyinka Shacabka Geyiga P/L Dhexdiisa.
Markii ergadu falan qaysay qodabkan ah xallinta dhibaatooyinka Shacabka Geyiga P/L dhexdiisa waxaa Ergooyinka Beelaha C/S talo ku soo jeedinayaan in dhibaatooyinka dhexmara Shacabka P/L lagu xaliyo shareecada Islaamka.

QODOBKA 3AAD: Dib u habeynta guddiga siyaasada.tolka.
Markii la arkay ifafaalaha iyo xaalada cakiran ee ka jirta geyiga PL, iyo baahida loo qabo in la helo hogaan siyaasadeed oo matela tolweynaha beelaha C/S, ayaa ergada tolku isku raaceen in dib loo habeeyo guddigii siyaasada ee Tolka waxaana la magacaabay guddi ka kooban 11 (kow iyo toban xubnood), halkuu horay uga ahaa 15 (Shan iyo toban xubnood), Guddigaas oo loo xilsaaray inay ka shaqeeyaan arrimaha siyaasada guud ee Soomaaliya gaar ahaan tan PL lehna istiraatijiyad dhow iyo mid fog intaba.
QODOBKA 4AAD: Murashax tolku ku mideysan yahay
Dood dheer oo ay ergadu ka yeelatay baahida loo qabo Murashax u tartama jagada madaxweynenimada maamul goboleedka Pl, ayaa waxaa laysku raacay in la magacaabo Murashax beelaha tolku u dhan yihiin iyadoo loo ballan qaadayo taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo la doonayo in lagu xaqiijiyo guusha Murashaxaas.
Ugu damayntiina waxaa tolku isku raacay in Md: Muuse Xaaji Saciid Muumin (Abees) uu noqdo Murashaxa Beelaha C/Saleebaan uga qeybgalaya tartanka jagada madaxweynenimada maamul goboleedka Puntland.

QODOBKA 5AAD: Mowqifka tolka ka qaadanayo haddii doorasho ka dhici weydo degaanka PL
Sabab kasta oo jirta awgood haddii ay doorasho ka dhici weydo Geyiga PL, lana xaq-dhawri waayo Axdigii u yiil Beelaha PL, laguna takri falo qodabadiisa xasaasiga ah, tolweynaha C/S wuxuu ixtiraamayaa, aadna u xaqdhowrayaa Axdigii gobolada PL ku heshiiyeen 1998kii, isla markaasna wuxuu uga digayaa Hogaanka Maamulka PL in uu ku xadgudbo Axdiga KMG ah. Haddii lagu xadgudbo axdiga, waxaa ka mas'uul ah wixii dhibaato ah oo ka yimaada arrinkaas cidii ku xadgudubta axdiga.
Sidaas darteed tolka C/S wuxuu ugu baaqayaa beelaha isirwadaaga ah ee ku bahoobay PL inay ilaaliyaan nabadgelyada iyo xasiloonida, kana tashadaan aayahooda.
Sidoo kale waxaan ka fileynaa in Isimada iyo Ergadii PL oo iyagu markii horeba dhisay maamul goboleedka PL ay hadana heli karaan kuna filan yihiin talada ku haboon waqtiga la joogo.
QODOBKA 6AAD: Nabadgelyada guud ee Puntland.
Maamulka PL markii la dhisay waxaa loo doortay in uu wax ka qabto baahida dadweynaha PL oo ay ugu horeyso nabadgelyada, hase yeeshee wax la taaban karo kama qaban maamulku arrintaas, waxaana u markhaanti ah sida uu u socdo dilkii xadgudubka ahaa, dhacii, tuugadii oo in odayaal xaliyaan maahee aan dowladu waxba ka qaban,.
Sidaa darteed markii ergadu ka hadashay sugida nabadgelyada guud iyo amniga ee PL , ayaa waxaa la soo jeedshay in beelaha C/S isu taagaan, hormuudna uga noqdaan sidii horeyba loogu yaqiinay dhowrista nabadgelyada PL iyo sidii ay ku xasilin lahaayeen haddii ay dhacdo nabadgelyo xumo iyo khalkhal abuuri kara isku dhac beelaha isirwadaaga ah ee ku wada nool PL, ugu dambeyntiina waxaa shirweynaha lagu magacaabay guddi nabadgelyo iyo difaac.
QODOBKA 7AAD: Arrimaha bulshada.
Ergada tolku markay falanqeysay ama qiimeyn dheer ku sameysay, waxaa u soo baxay in maamulka hadda jira aannu waxba ka qaban arrimaha bulshada, muhiimadii iyo tixgellintii ay laheydna uusan siin, waxaa la oran karaa dowlada ineyan eegin dhinacyada waxbarashada, caafimaadka IWM, waxaa tusaale ugu fillan dadweynaha in miisaaniyada dowladda waxba waxay ka yar tahay ugu tala gasho , taasoo aan ka badneyn shaqaalaha wasaarada Arrimaha bulshada iyo adeegooda, tusaale ahaan haddaan u qaadano miisaniyadii 2000 waxaa loo qoondeeyay boqolkiiba 2%.
QODOBKA 8AAD: Arrimaha dhaqaalaha.
Markeynu eegno dhinaca dhaqaalaha ee maamul goboleedka PL waxaa cad inuu taagan yahay heer laga naxo ama laga argagaxo, tusaale ahaan:- ilihii ugu muhiimsanaa waxay ahaayeen xoolaha, kalluunka iyo faleenka. Xoolihii waxaa ku dhacay xayiraad, waaxdii labaad ee aheyd kalluumeysiga dowladu waxay si xilkasnimo darro ah ugu fasaxday kooxo burcad ah oo xaalufiyay baddii, una adeegsaday jariif caalamka ka mamnuuc ah, intaas kuma dhaafine waxay ku daldalayaan qashinka wershadaha Nuclear-ka ee reer Yurub meel u waayeen. Dowladu waxay keentay lama arag , lama maqal iyo la inoogama sheekeyn!!!,markay soo daabacatay lacag been abuur ah waxayna kula wareegtay hantidii ummada, waxayna ku baabi'isay dhaqaalihii wadanka.
Intaas kuma ekaane waxay kula shirkowday kooxo ganacsato ku sheeg burcad ah, naxariis innaba lagu arag, waana sababta gaarsiisay dadweynaha heerka maanta ku sugan yahay oo ah in ay caruurihii caqdaan, waayeelkiina laba iyo saddex qad yahay, guryaha boqolkiiba 80% miyi iyo magaalo reerka hal mar dabka shitaa ugu ladan yahay.
Kaba sii darrane, dadweynaha xaalada sidaas ah ku suga boqolaal kun oo Dollar baa maalin walba diyaaraduhu ula gooshaa Itoobiya iyo keenya, kuna soo badeshaan maandooriyaha cagaaran ee loo yaqaan Qaadka, kaasoo u sii dhameeyay dadweynaha xag dhaqaale, xag nabadgelyo iyo xag akhlaaqba.
QODOBKA 9AAD: Arrimaha deegaanka iyo bey'adda.
Markay ergada Tolku ka hadashay arrimaha deegaanka iyo bey'adda, waxaa leys tusay in kheyraadka dabiciiga ah bad iyo berri waa la xaalufiyay, hadday dhir, ugaar, iyo wax bad ku jira sida kalluunka, aragoostada, libaaxa IWM. Waxaaba taa ka sii darran waxaa lagu wadaa sumeyn iyo nabaad guur, bareer iyo qarsoodiba ay ku wadaan hey'adaha isa soo maalaa kadeeda ee reer galbeedka si dalka Soomaaliyeed uusanb rajo danbe u yeelan.
QODOBKA 10AAD: Adeega guud iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Adeega guud iyo kaabayaasha dhaqaaluhu waa meesha keli ah ee maamulka PL ay wax uun kala socoto howlaheeda kolkii dayactir lagu sameeyay jidka u dhaxeeya Boosaaso-Garoowe, waxaana weli dhiman Garoowe Ilaa Gaalkacyo, runtiina shaqadaasi waa mid heshiiskeedu ka horeeyay dhalashadii DGPL.
Waxaa maamulka PL ishortaagay kana xishoon waayay in la hirgeliyo dhowr mashruuc oo muhiim ahaa kana hirgelli waayay gobolka Bari, sida Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boosaaso, Jidka Boosaaso-Qandala , dekeda Boosaaso, Xooga korontada Boosaaso/Qardho, Mashruuca Carmo ee biya gellinta, beeraha iyo xannaanada xoolaha IWM, maamulka PL oo keliya ayaana ka jawaabi kara sababha ku kalifay in ay is hortaagto hanti dalka ajnabi gellin lahaana ay baaqato.
.
QODOBKA 11AAD Siyaasada guud ee Soomaaliya.
Markay ergadu ka hadashay arrimaha siyaasada guud ee Soomaaliya, waxaa la is tusay in midnimada Soomaaliya ay tahay muqadas, ayna tahay lagama maarmaan, waxayna go'aamiyeen inaan Soomaaliya la kala qeybin karin. Waxaan soo dhoweyneynaa cid kasta oo nabadeyn iyo isu keenid ka shaqeyneysa, waxaan ku talineynaa in la adkeeyo nabadgelyada guud ee Soomaliya, qolyaha is hayana wada hadal is afgarad ku dhameeyaan khilaafaadka yar ee u dhexeeya.
Waxaan cambaareyneynaa cid kasta oo khalkhal gelisa midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, abuurtana xaalad nabadgelyo la'aan iyo kala qeybin dadweynaha Soomaaliyeed ah ee isku qowmiyada, diinta, afka, iyo dhaqanka ah, haddii ay ahaan laheyd PL, kooxaha kale ee Soomaaliyeed iyo dowladaha deriska iyo kuwa shisheeye intaba. Waxaan kaloo ku baaqeynaa in deegaamada la kala heysto loo celiyo dadkii lahaa, cid walibana ku kalsoonaato inay dib ugu noqoto deegaankeeda
QODOBKA 12AAD:- Xoojinta, iyo ku dhaqanka diinta Islaamka.
Ka dib markuu arkay tolweynaha C/S qiimeeyayna dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya in ay ka soo jeedaan ku dhaqan la'aanta iyo ixtiraam la'aanta diinta islaamka, waxaan talo ku soo jeedineynaa in lagu dhaqmo lana xoojiyo diinta islaamka sharci iyo manhajna laga dhigto si looga baxo dhibaatooyinka jira ee sabab u ah helid la'aanta dowlad iyo nidaam sababay burbur iyo baaba'a ku habsaday ummada Soomnaaliyeed.
MAGACYADA SHIR-GUDOONKA BEELAHA C/SALEEBAAN
Faarax X. C/laahi (Beeldaaje) Gudoomiye
C/qaadir Maxamud Maxamed K/X/1aad
Saciid Maxamed Casayr K/X/2aad
Mahad Ciise Faarax Xiriiriye
Raage Bile Maxamud Xooghayn
Cali Ismaaciil Maxamed "
Bashiir Cali Ismaaciil "
Prof: C/Wali C/raxmaan Geyre Afhayeen

E-Mail : Mahad Isse Farah Bosaso
E-Mail : Khadar Jacfar (Sweden)
Copyright © 2001 By Qandala.
Khadar Jacfar