Qandala Home                           Qandala PSS
BAYAAN KA SOO BAXAY MAAMULKA CALI SALEEBAAN- MAJERTEEN  EE DEGGAN GOBOLLADA JUBBADA HOOSE,

KU: MAAMULKA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED (SOUTH WEST STATE OF SOMALIA)


UJ: Taagerid iyo aqoonsi maamulka dowlad goboleedka cusub ee koonfur galbeed Somalia iyo madaxweynaheeda Xassan Maxamed Nur (Shaatigudud) Anagoo ah Siyaasiyinnta, Waxgaradka, Odayaasha, Haweenka,

iyo Wakiillada dibedda ee Beelaha Cali Saleeban (Majerten) ee deggan gobolka Jubbada Hoose (Kisamyo, Jamaame, Jilib, Afmadow, Bilis Qooqaani iyo Tuulooyinkoodaba) Anagoo ah Jaaliyadda kor ku xusan ee ku kala nool dibedda (Europe, North America,Australia, Asia iyo Afrika) waxaa dhacday in maalinti bishu aheyd Abril 4, 2002 inaan ku yeelanay Magaladda London (UK) Shir lagu falanqeeye arrimaha cusub soo foodsaaray Gobolka Jubbada Hoose.

Dood dheer ka dib xubnaha beesha Cali Saleeban (Majerteen) oo ka soo qayb galeen Shirkaasi waxay isku raaceen qodobada hoos ku qoran: Ineey soo saaraan Bayaanka taageero iyo aqoonsiba aan ugu fidineyno Dowlad Goboleedka cusub ee “SOUTH WEST SOMALIA” iyo Madaxweynaheeda Dr. Hassan Mohamed Nur (Shaati Guduud) Anagoo wada ogsoon in Beesha Cali Saleeban (Majerteen) lagu yaqaan Naba-jaceyl, Geesinimo, Tiro iyo Tayaba, iyo dowridda gobanimada Ummadda Somaliyeed.

Waxaan beelaha Somaliyeed oo daneeynaya isku tagga Gobaleed ee Dowladda Federalka ah ay dhowran madaxbannanida iyo midnimada Dowlad Goboleedka cusub ee “SOUTHWEST SOMALIA”, kana waantoobaan faragelinta arrimaha gudaha maamulka cusub ee Madaxweyne Dr. Hassan Mohamed Nur (Shaati Guduud) In Beesha Cali Saleeban (Majerteen) ee degan Gobolka Jubba Hoose si aan kala har lahayn u tageeran bayaankan islamarkana gacan ku siiyaan Madaxweyne Dr. Hassan Mohamed Nur (Shaati Guduud) dadaalka uu ugu jiro dib u hesiisiinta iyo xoriyaddda shacbiga Gobaladda “SOUTH WEST SOMALIA” Waxay ka soo qaybgalayaasha shirka ku soo gaba gebeeyen halku dhegga caanka ah

(UMMAD WALIBA AAYAHEEDA WAA SANDULLE SEDDEX WALLE IYO BILLEE HALLOO SIIDDAYANU LEENAHAY)

Saxiixayaasha:

1- DR. INJ. MAXAMED CABDIRAHMAN CIISE ‘Gaarcad’
2- DR. CABDULLAHI MAXAMED CALI (SHEEXARI)
3- DR, MAHAD CABDI MAXAMED
4- FAADUMO SACIID CALI
5- XASSAN AXMED YUSUF
6- JAWAHIR MIRE CALI
7- CABDULQADIR CABDI MAXAMED
8- MUSSE CISMAN CALI
9- AXMED XAAJI MAXAMUD
10- FARXIYO CABDI CIISE
11- MASLAX MAXAMED CABDI
12- CABDIWELI CALI JAMAC
13- KHADIIJO XAAJI CILMI
14- DR. MUSTAFA XASSAN CABDI
15- XUSSEN XAAJI BILE
16- JAMAL CIISE NUUX
17- AXMED XUSSEN MUSSE
18- FAHAD CALI GASHAN
19- CABDULLAHI AXMD QAASIM
20- CISMAN KHALIF YUSUF
21- BAASHI DAHIR CA
Copyright © 2001 By Qandala.