Qandala Home                           Qandala PSS
BAAQ NABADEED
Baaq uu soo saaray Musse X.Said (Abbees)
Date: Tue, 22 Jan 2002 Qandala Home

Ku: Dhammaan Dadka Reer Puntland Gudaha Iyo Dibaddaba Ee U Saaxiibka Ah Iimaanka, Aqoonta, Maslaxadda Caamka Ah Iyo Caqliga Fiyow
Baaqan Waxaa Soo Saaray Muuse Xaaji Siciid (Abees) Oo Ka Mid Ahaa Murashaxiintii U Tartantay Sanadkan Jagada Maamul Goboleedka Puntland
UJEEDDO: PUNTLAND DEG-DEG HA LOOGU HELO XAL NABADGELYO IYO KA BADBAADIN DAGAALLO SOKEEYE.
Waxaa dhammaan dadka u saaxiibka ah iimaanka, aqoonta, maslaxada iyo
caqliga fiyow laga codsanayaa in ay xal nabadgelyo iyo badbaadin deg-deg ah
u helaan jiritaanka iyo xasiloonida puntland.

Waxaa hareeyey puntland waayadan cabsi weyn, sansaan colaadeed, werwer iyo
walaac kolkii ay caddaan noqotay in si ka fiirsi la'aan ah loogu
durbaan-tumay isku dhac sokeeye, waana waqtigi ugu adkaa ee soo mara
puntland 11kii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay bur-burka ba'an .

Reer puntland waxey af-cas iyo hubka wax gumaada isu urursadeen waqti ay
quwadaha waaweyn ee dunidu sheegeen in ay qorsheynayaan Soomaaliya duqeyn
iyo qabasho ku wajahan guud ahaan Soomaaliya, warkaas dhiilada lehna lama
oga waxa cawaaqibkiisu noqon doono mustaqbalka.
Waxaa kaloo jira shir loogu yeeray dib-u-heshiisiin soomaaliyeed oo ka
dhacaya Nairobi, loona baahnaa in loo toog-hayo waxa dhacayana lala socdo,
lagana midaysnaado talada iyo aayatiinka dalka . waxaa muuqata in aynaan
waxba ku qaadan ama illownay halaaggii gumaadka ahaa ee soo maray
walaaleheen reer Muqdisho iyo reer Hargeysa, iyo in aan qiimayn-weynno
xasiloonida Alle innagu minnadaystay.
Shacabka camiray geyiga Puntland waa dad u badan xabbadi-keentay ka soo
daalay dagaallo sokeeye kana soo bara kacay Soomaaliya inteeda kale sida
Banaadir, J\hoose J\dhexe, Sh\hoose, Sh\dhexe, Hargeysa, Burco iwm, umana
harin meel dambe oo ay u qaxaan, ifa-faalaha socdaana waa mid cabsi leh,
wuxuuna u eg-yahay qabkii qallafsanaa ee ay isku seegeen, hubka isugu
safaysteen, xasuuqidda shacabkana isugu faaneen Caydiid iyo Cali Mahdi
kolkii mid waliba sheektay inuu kaligiis yahay madaxweyne.
Nasiibdarro, damacyahannada Soomaaliya waxay wada moog-yihiin in cid kasta
oo mansab sheegata uu ka mudan-yahay xushmeynta iyo xaq-dhawrka jiritaanka
shacabka, kaas oo ah awoodda runta ah ee wax lagu noqon karo iyo in wax
walba laga hormariyo xasiloonida iyo nabadda.
Ma la qiimeeyey uurku-taallada ay sababi karto madaxnimo lagu doonaayo
qur-gooyo iyo dhiig dad oo la daadiyo, haddise halis la geliyo shacabka
madaxnimo ma jireysaa? Yaase loo noqonayaa madax? Waxaan aaminsanahay in
aanay jirin aragti ka liidata in madaxnimada lagu raadsado ama lagu
difaacdo dadka oo la laayo, in xabbad hiil la bido iyo in la kala firdho, lana bur-buro dhinac kasta.


1998dii waxaa waxgaradka geyiga puntland oo ka kala yimid 5 gobol iyo
degmo ku heshiiyeen nidaam loo dhammaa oo ahaa maamul goboleed bulshada u adeega,
lana filayey in uu dhaamo waxqabad laga sugo beelo siman iyo kala
daadsanaan, waase dhicisowday riyadii maamul aan hagar lahayn lagu
doonayey, haddana lama qanacsana, waxaana batay damacii, iimaan darradii, anaa wax
ah, qaddarin la'aan shacab, faragelin dibadeed, daneysi iyo kala qaybsanaan u daran dalka iyo dadka reer puntland.
Waayadii tiradoodu yareyd, balse ay tayada lahaayeey shaqsiyaadka ugu
qaddarinta badnaan jiray dadka reer puntland Isimada iyo Culumaa'udiinka
ayey ahaayeen oo weligood heegan u ahaan jiray samo-ka-talinta, maslaxadda
ummada, dhibaato ka hortagidda iyo aaminsanaanta xilka culus ee ay shacabka
u hayaan. Hase yeeshee, dhowaanahan isimada badidood dhaqan-guur aan
garowsiinyo lahayn baa ku dhacay markay u kala ja-jabeen taageeridda
siyaasiyiinta, waxaana tayo-beel ku riday tiro badan oo aan xad laheyn, una
suuragelin karin in ay talada isla helaan.
Sidoo kale waxaa la qaadan kari la'yahay isfaham iyo wada shaqeyn la'aanta
dhextaal Culimaa-u- ddiinka iyo badiba u kala qaybsanaanta kooxaha
siyaasadda ee ay bulshadu eersanayso.
Waxaan ka cudurdaaranayaa wax ka sheegga dadka shacabka ugu mudan,
masuuliyiintana u ah ee birimageydada ah, waxayse iga tahay xusidoodu niyad
sami, muhiimadda ay leeyihiin, lama canaantaa caanihii daadiyey iyo
soofayn, waxaana ku kalsoonahay in hawl aanay iyagu kaalintooda iska taagini
dhammays ahayn.
Sidaa darteed, dad door kama dhamaadee waxaa lagama maarmaan ah in la isu
tanaasulo, lana helo rag ka caafimaad qaba shuhubooyinka jira, lana curiyo
hab iyo hannaan lagu gaari karo nabadgelyo buuxda iyo maamul ku shaqeeya
rabitaanka dadka. Waxaa habboon in loo dhaqaaqo in gudaha iyo dibaddaba
laga raadiyo rag xul ah oo loo soo joogsan karoswaxna ka tari kara duruufaha
qallafsan ee maanta taagan, una kala dab qaadi kara siyaasiyiinta ku
herdamaya puntland, xal kama dambeys ahna ka soo hoyn kara.
Murti Somaaliyeed ayaa oraneysa “MINDIDII HOREY U QOOQDAA DIB BAY U QADDAA “
Murti kale baa oraneysa “HADAGAALLAMIN, MINAAD RAYDO REERKAAGA WAAYEE,
MINII LAGAA RAAYO RUUXAAGA WAAYEE”. Midkalaa oraneysa “HADDII ILI KAAGA DHACDO
DAGAAL MID KUU BEDDESHA DUNIDA MATAAL”.


Ali Mohamud Yusuf"Ashiguur"
(Interview with Somali Elder.)
By :Hussein Garab-Yare
Copyright © 2001 By Qandala.