Qandala Home                           Qandala PSS
RADIO FM = > BOOSAASO
Maxaad ku taageeri kartaa idaacad madax banaan oo ah tii ugu horaysay ee ay yeeshaan Suxufiyiin soomaaliyeed oo madax bannaan.

Koox suxufiyiin ah oo aanay jirin xarig beeleed oo gaar ah oo isu keenay, qaraabaysi ay isugu yimaadeen iyo cid gaar ah oo ay gacan saar la leeyihiin oo isku xirtay midna, waxa kaliya ee ka dhexeeyaana uu yahay dareenka wadaninnimo iyo mihnadda saxaafadeed oo ay muddo aan yarayn ku soo jireen, aqoon iyo waaya aragnimo fiicanna u leeyihiin, ayaa waxa ay haatan gacanta ku hayaan dhismaha idaacad FM ah oo madax banaan oo hadda si tijaabo ah ugu jirta hawada magaaladda Bosaaso.

Baahida keentay dhismaha mashruuca oo kooban:
· Dadka Soomaaliyeed oo lagu tilmaamo in ay yihiin dad hadal, ee aysan ahayn dad akhris (oral socaity)
· Idaacado madaxbanaan oo ay leeyihiin ama maamulaan dad xirfadlayaal ah oo aan horay wadanka uga jirin.(gaar ahaan degaanka Buntilaan)
· Baahi weyn oo loo qabo warbaahin idaacad xora oo wadani ah oo si xad dhaaaf ah u muuqatay.

Ujeedada mashuuca:
· In ay buuxiso kaalinta banaan ee saxafadda hadalka (radio) ee ay qabaan dadka reer Buntilaan si mustaqbalkana loogu sii gudbo soomaaliya inteeda kale.
· In dadka lagu war iyo wacyi galiyo danha caamka ah, lagaga qayb qaato dhismaha bulsho u midaysan danteeda, cadaaladuna tahay furaha horumarka iyo noloshooda.
· In ay noqoto saldhig wadani ah oo ay ku soo hirtaan suxufiyiinta soomaaliyeed, si muqtaqbalka loo dhiso urur saxaafadeed oo xor ah oo ka fiyoow danaysi, qabiil, eex iyo ka been sheega dhacdooyinka iyo taariikhda.
· In dadka danyarta ah iyo kuwa la quursado ee aan codkooda xoogga ku meel marsan karin xilligan ay u noqoto goob ay dareenkooda ku soo bandhigaan, si nabadgelyo iyo hufnaan ku dhisan.

Hadafka idaacadda:
· In laga wada qayb galo dhismaha dawlad soomaaliyeed oo cadaalad iyo rabitaanka bulsho ku dhisan, laguna maamulo isla cadaaladdii lagu dhisay, Islaamkuna yahay udubkeeda sharciga.
· In laga qayb qaato dhismaha Bulsho ka caafimaad qabta qabiil, caadifad, been, eex, daroogo iyo jahli, ka faa’iidaysata khayraadka dalkeeda, iyadoo ku talo galaysa in midnimadeedu tahay furaha jiritaankeeda.
· In laga badbaado u heelanaanta hay’ado shisheeye oo marin haboow ku rida rabitaanka danaha dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyo caalamka aynu isku duruufta iyo nolosha nahay intaba.

Mabaadii’da guud ee idaacadda:
Dhexdhexaadnimo
Xaqiijin
Farsamo
Ilaalinta edabka saxaafadda
Xaqdharwka rayiga dadka

Dhismaha idaacaddan:
· Shan ka mid ah suxufiyiinta caanka ku ah saxaafadda Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay todobaadkan si buuxda ugu wada hawl galay qorshe muddo dheer soo jiitamayay oo ku saabsanaa dhismaha idaacad madax banaan oo ka turjunta danaha iyo dhacdooyinka waaqicaga ah ee Soomaaliya iyo caalamka.
· Hawlgalkan wajigiisa koowaad waxay kooxdan suxufiyiinta ahi ku soo iibsadeen Idaacad FM ah oo haatan tijaabadeedii ka socotaa magaalada Bosaaso oo qorshuhu yahay in ay noqoto xarunta koowaad ee laga hirgalinayo mashruucan.
· Wajiga labaad ee hawlgalkan waxaa qorshuhu yahay in idaacaddan lagu baahiyo magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo Laascaanood.

Sababta loo doortay Bosaaso Bilowga:
1. Bosaaso waxay ahayd walina tahay mid ka mid ah labada magaalo ee ugu muhiimsan dhinaca nolosha iyo Dhaqaalaha Soomaaliya mudaddii tobbanka sanno ahayd ee ugu danbaysay.
2. Bosaaso waa magaalada ilaa iyo hadda ugu dadka badan magaalooyinka Buntilaan, qorshaha kan xigaana waxaa weye in aan iskuxirno Bosaaso, Garoowe, Laascaanood iyo Gaalkacyo si idaacadda looga wada dhagaysto degaanka Buntilaan intiisa badan.
3. Iyadoo ah magaalo ganacsi oo isku xirta Soomaaliya iyo caalamka kale gaar ahaan dalalka carabta oo aan xiriiro dhaw oo ganacsi, dhaqan iyo diimeed wadaagno.
4. iyadoo adeegyada isgaarsiineed ee Boosaaso ay yihiin kuwa uga sahlan Soomaaliya oo dhan

Barnaamijyada idaacadda.
Barnaamijyada idaacaddu waa kuwo wali heer diyaarin ku jira, waxaana saldhig u noqon doona dareenka iyo talooyinka dadweynaha; waxayse ahmiyad ahaan ka koobnaan doonaan;
· Wargalin
· Wacyi galin
· Aqoon
· Xaaladaha taagan.
· Diin iyo dhaqan
· Taariikh.
· Madadaalo
· Iyo kuwo kale.

Madaxda maamulka ee xilligan:
1. Cabdishakuur Mire Aadan Madaxa Mashruuca dhismaha idaacadda.
2. Bille Qabawsade Tifaftiraha idaacadda.

Ka qayb galayaasha Mashruuca:
1. Cabdishakuur Mire Aadan
2. Bille Qabawsade
3. Maxamed-deeq Cabdullqaadir
4. Maxamed Siciid Kaashawiito
5. C/risaaq Cumar Ismaaciil.

Baahida hadda taagan ee idaacadda:
1. matoor dab dhaliye ah (power Generator) 5kva
2. kumbiyuutarka guurguura (laptop Computer) 1 pc
3. Kumbiyuutarka Miiska (desktop Computer) 1 Pc
4. Rikoorada codka lagu duubo (professional records) 5 pc
5. buugta tixraaca (Reference Books) ---- intii la heli karo.
6. Lacago tababar gudaha ah oo yaryar lagu siiyo shaqaalaha idaacadda (small training costs).

Macluumad ku saabsan socdaalka
(Current information from the INS)
Radio Mindnimo oo laga dhaageeysto Bosaaso
(Story about new radio in Bosaaso, Somalia)



WQ. Maxamed-deeq Cabdulqaadir
Tel: 00252 523 4299 ama mob: 00 252 525 7017
Email sahan@brtel.net Bosaaso.
Copyright © 2001 By Qandala